14.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ilaa amar dambe xirtay labo Idaacadood oo kale oo Muqdisho ka howlgala

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 13, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay albaabada u laabtay labo Idaacadood oo kale oo Muqdisho ka howlgala, kuwaasi oo kala ah Banaadir iyo Simba.

 

Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka waxay gudaha u galeen Idaacadda Simba oo ku taala Wadada labaad ee Suuqa Bakaaraha, waxayna ciidamadaas amreen in Idaacadda la demiyo.

 

Ku xigeenka Agaasimaha Idaacadda Simba Maxamed Shiil Xasan Shiil ayaa sheegay in Ciidamada ay kaxeysteen Agaasimaha Idaacadda, kaasi oo ay la aadeen dhinaca Saraakiil ka tirsan Waaxda nabad-sugidda oo gudaha Suuqa Bakaaraha ku sugan, kuwaasi oo markii loo geeyay u sheegay in aan Idaacadda hawada la gelin ilaa amar dambe.

 

Maxamed Shiil Xasan waxaa uu intaas ku daray in hareeraha Idaacadda ay haatan ku sugan yihiin Ciidamo Soomaali iyo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo halkaasi ka wada howlgallo la sheegay in ammaanka lagu sugayo.

 

Sidoo kalena Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka ayaa iyaguna waxay xireen Idaacadda Banaadir oo iyadana ka mid ah Idaacado dhowr ah oo ka howlgala Magaalada Muqdisho, taasi oo iyadana la gaarsiiyay amar ka yimid Waaxda Nabad-sugidda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Ku xigeenka Agaasimaha Idaacadda Banaadir Cali Muxumed Aadan (Cali Madoobe) ayaa isna sheegay in ay amarkaas uga yimid Dowladda Federaalka ay ku xireen Idaacadda, wuxuuna wax la yaab leh ku tilmaamay sababta Idaacadda loo xiray iyadoo aaney jirin wax fal dembiyeed ah oo ay gashay.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Maalintii shalay ahayd ayay Dowladda Federaalka Soomaaliya albaabada u laabtay Idaacadda Shabeelle, taasina oo iyadana  mas’uuliyiinteeda la siiyay amar ah in aysan dib hawada ugu soo noqon karin ilaa amar dambe. Ilaa iyo haatan ma jirto cid ka hadashay sababta loo xiray Seddexdan Idaacadood oo ka mid ah Idaacado FM ah oo Magaalada Muqdisho ka howlgala.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).