14.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Maamulka Gobolka Banaadir oo sheegay in ay saacadaha soo socda dib u bilaaban doonaan howlihii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 13, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in ay saacadaha soo socda dib u bilaaban doonaan howlihii ganacsi ee Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu weyn Soomaaliya.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa sheegay in dorraad, shalay iyo maanta la baarayo Suuqa kadibna ay Dadweynaha iyo Ganacsataba loo fasaxi doono in ay dib u bilaabaan howlahoodii ganacsi.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in dorraad Suuqa Bakaaraha laga soo helay Hub tiro badan oo isugu jiray Bambo Gacmeedyo iyo Qoryaha RPG iyo BKM, wuxuuse carrabka ku dhuftay in aan baaritaan shalay la sameeyay lagu soo helin hub aad u badan.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu u mahadceliyay Ganacsatada Suuqa Bakaaraha, kuwaasi oo uu sheegay in ay u hoggaansameen amar la faray oo ahaa in ay la soo diyaargaroobaan furayaasha goobahooda ganacsiga, si haddii loo baahdo in la baaro ay u sahlanaato.

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha ugu baaqay in ay goobahooda ganacsiga furaan si loo baaro, isagoo intaas ku daray in ciddii aan goobteeda ganacsi furin laga jebin doono, mas’uuliyadda wixii halkaas ka yimaadana ay iyada qaadi doonto.

 

Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalintii seddexaad waxay ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha, iyagoo baaris ku haya qeybo ka mid ah Suuqa.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, ma jiro wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah oo ka socda Suuqa, waxaana waddooyinka dhexmara Suuqa oo mashquul ahaan jiray ay haatan yihiin kuwo cidlo ah, waxaana ka muuqanaya waddooyinkaas ciidamada Dowladda iyo Gaadiid dagaal oo ay wataan.

  

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).