14.1 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Beesha uu ka soo jeedo Afhayeenka Beelaha Hawiye oo shir ka yeelanaya Xarigga Afhayeenka loo geystay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, November 13, 2007(HOL): Beesha uu ka soo jeedo Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo maalintii dorraad ahayd ay xireen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay shir ka leeyihiin xarigga  Afhayeenka.

 

Imaam Shiikh Cumar Macallin Abshir oo u hadlay Beesha Xaaji Saleebaan ee uu Afhayeenka Beelaha Hawiye ka soo jeedo ayaa wuxuu sheegay in ay shirkooda uga hadli doonaan xarigga loo geystay Axmed Diiriye Cali.

 

“Axmed Diiriye Cali waxaan rumeysannahay in lagu xiray si gardarro ah oo aan xaq ahayn, waxbana kama jiraan waxyaabaha lagu eedeynayo ee ah in uu nabadgelyo darro ah abuurayay”ayuu yiri Imaam Shiikh Cumar Macallin Abshir oo sheegay in Axmed Diiriye uu muddo dheer ahaa Nabaddoon ka tirsan Nabaddoonnada Beesha Xaaji Saleebaan, isla markaana uu si weyn uga soo horjeeday wax kasta oo colaad keeni kara.

 

“Aad ayaan uga xunnahay in Nabaddoonka ah oo ah Qof Sumcad ku dhex leh Bulshada Soomaaliyeed in loola dhaqmay markii ay Ciidamada Dowladda kaxeysanayeen si aan wanaagsaneyn, waxaana Dowladda Federaalka ka codsaneynaa inay nabaddoonka xoriyaddiisii dib ugu soo celiso.

 

Dhanka kalena, banaanbax looga soo horjeeday xariga Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa shalay gelinkii dambe waxaa uu ka dhacay Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud, iyadoo dadkii banaanbaxaas ka qeybgalay oo boqolaal gaarayayna ay ku dhawaaqayeen hal ku dhigyo ay uga soo horjeedeen xariga loo geystay Axmed Diiriye Cali, iyagoo ugu dambeyntiina ka codsaday Dowladda Federaalka in ay sii deyso Axmed Diiriye Cali.

 

Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa maalintii shalay ahayd wuxuu soo saaray warsaxaafadeed uu ku sheegay in xaaladda caafimaad ee Axmed Diiriye ay noqotay mid aad u liidata kadib markii lagu xiray qol ciriiri ah oo u saamixi waayay in uu u neefsado si caadi ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, dorraad ayay ahayd markii Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay gurigiisa ka kaxeysteen Nabaddoon Axmed Diiriye, Labo Wiil oo uu dhalay iyo weliba Xubin ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, iyadoo Ciidamadu ay xoog ku galeen guriga uu ku sugnaa Axmed Diiriye. 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).