Isniin,
Golaha Dhaqanka Iyo Midnimada Beelaha Hawiye ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray waxaa uu ku sheegay in xaaladda caafimaad ee Nabaddoon Axmed Diiriye ay tahay mid aad u liidata oo aan wanaagsaneyn.
Warsaxaafadeedka ka soo baxay golaha ayaa lagu sheegay in xaaladda Caafimaad ee Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabaddoon Axmed Diiriye Cali ay xumaatay kadib markii lagu xiray qol yar oo ciriiri ah oo uusan si caadi ah ugu neefsan karin, iyadoo warsaxaafadeedka lagu caddeeyay in Nabaddoonka uu qabo xanuuno ay ka mid yihiin Dhiig-karka.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayuu ugu baaqay Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye in Nabaddoonka xoriyaddiisa dib loogu soo celiyo, bacdamaa sida ay yiraahdeen aaney jirin cid uu wax ka bi’iyay.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxaxmed Xasan Xaad ayaa sheegay in sababta loo xiray Axmed Diiriye ay tahay iyadoo ay Dowladda Federaalka ay diidan tahay ka hadalka dhibaatada ay Ciidamadeeda iyo kuwa Dowladda Itoobiya ay ka geysanayaan Magaalada Muqdisho.
Maalintii shalay ahayd ayay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomalaiya gurigiisa ka kaxeysteen Nabaddoon Axmed Diiriye, Labo Wiil oo uu dhalay iyo weliba Xubin ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye, iyadoo Ciidamadu ay xoog ku galeen guriga uu ku sugnaa Axmed Diiriye.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere) oo wax laga weydiiyay xariga Afhayeenka Beelaha Hawiye ayaa wuxuu sheegay in haddii uu Axmed Diiriye dembi yeesho maxkamad la soo taagi doono, haddii dembi lagu waayana la sii deyn doono.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online