Isniin,
Taliyaha ayaa la sheegay in ay kooxaha hubeysan toogteen xili uu ka soo baxay Masjid uu ku soo tukaday Salaaddii Cishaha, iyadoo kadibna ay baxsadeen kooxihii dilkiisa geystay.
Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ka howlgala magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay baaris ku hayaan Dadkii ka dambeeyay Dilka Taliyaha oo mid qorsheysan u muuqday.
Saraakiisha Ciidamada iyo Xubnaha ka tirsan Dowladda Federaalka ee ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa si weyn uga argagaxay dilka Sarkaalkan loo geystay, iyadoo dilka marxuumkanna uu ku soo beegmayo xili uu sii xumaanayo ammaanka Magaalada Baydhabo.
Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sanado ka hor waxaa lagu dilay Wasiirkii Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Cabdalla Deerow Isaaq, kaasi oo aan ilaa iyo haatan la soo qaban dadkii Dilkiisa ka dambeeyay, marka laga reebo in ay jiraan Dad tuhun loo soo xiray.
Ugu dambeyntiina, Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay oo haatan ay fariisin KMG ah u tahay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan inta badan Xubnaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo qaarkood ay horay ugu sugnaayeen Magaalada Baydhabo, halka kuwo kale oo Muqdisho ku sugnaana ay halkaasi u carareen kadib markii uu xumaaday Ammaanka Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online