15.7 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Madaafiic Hoobiyayaal ah oo xalay lagu weeraray Xarunta Villa Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, November 12, 2007(HOL): Madaafiic hoobiyayaal ah oo tiradooda gaareyso 6 Madfac ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa lagu weeraray Xarunta Villa Somalia, inkastoo seddex ka mid ah lixdaas madfac ay ka gudbeen Xarunta Madaxtooyada.

 

Ciidamada ku sugan Xarunta Villa Somalia ayaa waxay qadar daqiiqado ah kadib markii madaafiicda lagu weeraray waxay iyana ku jawaabeen madaafiic ay ku rideen halkii madaafiicda looga soo riday.

 

Ilaa iyo haatan lama soo werin wax khasaare ah oo ay madaafiicda lagu weeraray Villa Somalia iyo kuwa jawaabta ah ee ka soo dhacay geysteen, inkastoo ay madaafiicdaas si weyn u qal-qal geliyeen dadka degan nawaaxiga Xarunta Madaxtooyada.

 

Sidoo kalena ma jirto cid ka tirsan mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka oo ka hadashay madaafiicda lagu weeraray Xarunta Villa Somalia iyo kuwa jawaabta ah ee ay bixiyeen Ciidamada ilaalada ka haya Xarunta Madaxtooyada.

 

Xiliga Madaafiicda lagu weerarayay Xarunta Madaxtooyada kuma sugeyn Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, wuxuuna sida laga warqabo uu ku sugan yahay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay Diblumaasiyiinta Dalalka Shisheeye ee daneeya Arrimaha Soomaaliya.

 

Xarunta Villa Somalia oo fariisin u ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay Dowladda Federaalka u soo guurtay Magaalada Muqdisho waxaa lagu weeraraa madaafiic la sheego in ay ridaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Magaalada Muqdisho ayaa muddooyinka dambe waxay noqotay mid ay ka dhacaan iska hor-imaadyo hubeysan, qaraxyo iyo dilal loo geysanayo Dad Rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo amni darrada ka jirta magaalada Muqdisho-na ay keentay in ay dad badan isaga cararaan Dalka Soomaaliya.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).