Isniin,
Waddooyinka Dhexmara Suuqa ayaa waxaa lagu arkayaa Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwaasi oo sugaya ammaanka goobo ay Ciidamo kale oo ka tirsan Dowladda baaris ka wadaan.
Ma jiro wax ganacsi ah oo Suuqa ka socda maalintii seddexaad, waxaana taasi ugu wacan iyadoo ay Suuqa ka buuxaan Ciidamo hubeysan, kuwaasi oo ay dadku ka baqayaan in ay waxyeello u geystaan.
Ganacsatada goobaha ganacsi ku leh Suuqa Bakaaraha ayaa saaka waxay horfadhiyaan dukaamadooda, waxayna diyaar u yihiin in ay furaan marka ay Ciidamada soo gaaraan, si loo baaro.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ganacsatada Suuqa Bakaaraha ugu baaqay in ay goobahooda ganacsiga furaan si loo baaro, isagoo intaas ku daray in ciddii aan goobteeda ganacsi furin laga jebin doono, mas’uuliyadda wixii halkaas ka yimaadana ay iyada qaadi doonto.
Gudaha Suuqa Bakaaraha ayaa maanta lagu arkayaa Dad aan badneyn oo qaarkood soo eegaya Xaaladda Suuqa, halka kuwo kalena ay hor-fadhiyaan goobahooda ganacsiga, wuxuuna maanta Suuqa wax weyn ka bedelan yahay maalintii shalay ahayd oo xitaa dadka loo diiday inay gudaha u galaan.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamo tiro badan ayaa waxay ku sugan yihiin gudaha Suuqa Bakaaraha iyo hareerahiisa, lamana oga goorta ay Ciidamadaas ka bixi doonaan, isla markaana uu dib u bilaaban doono ganacsiga Suuqa.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online