Axad, November 11, 2007 (HOL): Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku hubeysnaa gaadiidka dagaalka ayaa maanta waxay gurigiisa ka kaxesyteen Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo xaqiijiyay xarigga Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay Ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka Soomaaliya ay xoog ku jebiyeen iridka Guriga uu Muqdisho ka deganay Axmed Diiriye Cali, kadibna ay halkaas ka kaxeysteen isaga, labo wiil oo uu dhalay iyo weliba Xubin kale oo ka tirsan Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye.
Maxamed Xasan Xaad waxaa uu intaas ku daray in uu aad uga xun yahay xarigga loo geystay Axmed Diiriye Cali, wuxuuna carrabka ku dhuftay in aaney jirin dhibaato uu geystay oo uu ku muteystay in la xiro, “Xarigga loo geystay Axmed Diiriye waxaa uu yahay mid meel ka dhac ah, isla markaana caburin muujinaya”ayuu yiri Maxamed Xasan Xaad oo intaas ku daray in uu rumeysan yahay in Afhayeenka Beelaha Hawiye loo xiray ka hadalka dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.
Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad waxaa uu sheegay in ay in muddo ah hanjabaado ka soo gaarayeen Maamulka Gobolka Banaadir, Saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya ee Muqdisho ku sugan, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ugu hanjabayeen in la dili doono.
Ugu dambeyntiina, Xarigga Ahayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo laga kaxeystay guri ku yaala agagaarka Wadada Labaad ee Suuqa Bakaaraha ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo saaka Suuqa Bakaaraha aysan ka jirin wax dhaqdhaqaaq ganacsi ah, isla markaana ay gudaha Suuqa ku jiraan Ciidamo tiro badan oo ka amar qaata Dowladda Federaalka, kuwaasi oo xiray waddo kasta oo Suuqaas soo gasha.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online