Axad, November 11, 2007 (HOL): Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa shaaca ka qaaday in uu dhexdhexaadinayo Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu ka tirsan yahay iyo mucaaradka ka soo horjeeda.
Ra’iisal Wasaare Geeddi oo u waramayay TV-ga Af-Carbeedka ku hadla ee Al-Jaziira ayaa sheegay in uu isagu aaminsan yahay in aanu xalka Soomaaliya ku jirin awood mileteri, isla markaana taasi bedelkeeda loo baahan yahay in la wada hadlo.
Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay inay tahay mid dib u heshiisiineed ayuu madaxdeeda ugu baaqay in ay furaan albaabada wada hadalka, si ay loogu guuleysto in ay miiska wada hadalka isugu yimaadaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Mucaaradka ka soo horjeeda.
Porf. Cali Maxamed Geeddi oo sheegay in uusan mucaarad ahayn, isla markaana uusan mucaarad noqon doonin ayaa intaas ku daray in waxa kaliya ee ay maanta u baahan yihiin Dadka Soomaaliyeed ay yihiin nabad iyo nolol, wuxuuna ku cel celiyay in aan taas lagu gaari doonin awood la adeegsado.
Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Prof. Cali Maxamed oo haatan ku sugan Magaalada
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Prof. Cali Maxamed Geeddi ayaa intii uusan iska casilin xilka Ra’iisal Wasaarenimada Soomaaliya waxaa uu kulamo la yeeshay Xaaji Abuukar Cumar Caddaan oo taageero weyn u ahaa Maxkamadihii Islaamka, Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya C/qaasim Salaad Xasan iyo Odayaasha Beesha Hawiye ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo wada hadalladaasina uu Prof. Geeddi ku tilmaamay kuwo uu u qaaday dhinaca Dib u heshiisiinta.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online