15.7 C
London
Tuesday, October 21, 2025

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Dagaallada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, November 11, 2007 (HOL): Shir ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo looga hadlay xaaladda dagaal ee imanka ka taagan Magaalada Muqdisho, isla markaana uu shir gudoominayay sii hayaha Xilka Wasiirka 1-aad, ahna  ku xigeenka Wasiirka 1aad Prof. Saalim Caliyow Ibrow ayaa waxaa ka soo baxay go’aano ku saabsan Dagaallada ay Dadka badan ku dhinteen ee ka soo cusboonaaday Magaalada Muqdisho.

 

Go’aannada ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada oo uu saxaafadda u aqriyay Wasiirka Warfaafinta Madoobe Nuunow Maxamed ayaa waxaa ka mid ahaa in dhibaatada dagaal ee dalka ka socota  ay yihiin kuwo soo socday ilaa intii kooxaha la magac baxay Muqaawamada ay soo weerareen magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowlada FKMG ee Soomaaliya, waa sida ay Wasiirradu isku raaceene.

 

Golaha Wasiirrada waxay sheegeen in ay aad uga xun yihiin dhibaatada ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxayna tacsi u direen Dadkii ay ka geeriyoodeen Dadkii aan waxba galabsan ee ku dhintay Dagaalladii dhacay.

 

Golaha Wasiirrada ayaa ugu baaqay dhinacyada Dagaalka ka wada Magaalada Muqdisho in ay dagaalka joojiyaan, isla markaana aan lagu dul-dagaalamin Dadka rayidka ah, iyagoo Shacabkana ugu baaqay in aysan gabaadsiinin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.

 

Hay’adda Samafalka ayay ugu baaqeen Xubnaha Golaha Wasiirrada ee shirka isugu yimid in ay gurmad deg deg ah la gaaraan Dadka ka barakacay magaalada Muqdisho ee ku sugan Duleedyada Muqdisho, iyagoo caddeeyay in ay la shaqeyn doonaan Hay’adaha gargaarka.

 

Ugu dambeyntiina, Xubnaha Golaha Wasiirrada waxay ugu baaqeen Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta iyo Dalalka Afrikaanka ah ee horay u ballanqaaday in ay Ciidamo geynayaan Soomaaliya in ay dedejiyaan Ciidamada ay Soomaaliya u dirayaan, iyagoo u mahadceliyay Dalalkii Ciidamadooda horay u geeyay Soomaaliya iyo sida ay yiraahdeen kuwa haatan soo wada.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).