10.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Nairobi ku leh Wada-tashiyo ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabayo

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 10, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo haatan ku sugan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa wuxuu halkaas ku leeyahay Wada-tashi uu la leeyahay Diblumaasiyiinta Dalalka Daneeya Arrimaha Soomaaliya ee ay ugu horeyso Dowladda Mareykanka, iyadoo wada-tashiyadaasna uu ku uruursanayo talooyin ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha uu soo magacaabi doono maalmaha soo socda.

 

Sidoo kalena Madaxweyne Yuusuf wuxuu magaalada Nairobi kulan kula qaatay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Ahmedou Ould-Abdallah, kaasi oo ay ka wada hadleen xaaladda Dalka Soomaaliya, gaar ahaan Xaaladaha Bani’aadannimo ee ka taagan Magaalada Muqdisho.

 

Sida uu sheegay Afhayeenka u hadlay Xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Siyaasadda Soomaaliya waxay sidoo kale Madaxweyne Yuusuf iyo Ahmedou Ould-Abdallah ka wada hadleen arrimo ku saabsan Ra’iisal Wasaaraha soo socda ee ay yeelan doono Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

 

Afhayeenkan oo lagu magacaabo Farxaan Xaaji waxaa uu sidoo kale Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Mr. Ahmedou Ould-Abdallah uu kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Shirkii Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee Muqdisho lagu soo gebagebeeyay Cali Mahdi Maxamed, kaasi oo ay ka wada hadleen arrimo ku saabsan go’aannadii ka soo baxay shirkaas iyo weliba Dib u heshiisiinta Soomaaliya.

 

Kulamada Wada-tashiga ah ee uu Madaxweyne Yuusuf ku leeyahay magaalada Nairoibi ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo Magaalada Muqdisho ay ka dhacayaan dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah ka soo gaaraya Dagaallo u dhaxeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxo hubeysan oo ka soo horjeeda.

 

Ugu dambeyntiina, Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa marka uu soo dhameysto kulamada Wada-tashiga ah ee Nairobi uga socda waxaa la filayaa in uu maalmaha soo socda soo magacaabo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, kaasi oo uu ka soo xulan karo Baarlamaanka Soomaaliya gudahiisa iyo Dibaddiisa.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).