10.7 C
London
Wednesday, October 22, 2025

Maxamed Dheere oo ku eedeeyay Dagaallada Muqdisho in ay ka dambeeyaan Al-Shabaab

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, November 10, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa dagaallada ay dadka badan ku dhinteen ee Muqdisho ka dhacay waxaa uu ku eedeeyay Xarakada Al-Shabaab ee ka soo horjeeda Dowladda Federaalka iyo joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee dalka Soomaaliya.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay Dagaalyahanada Al-Shabaab ay Madaafiic ku weeraraan fariisimada Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiya, sidaasna uu mar kasta ku bilowdo Dagaalka Muqdisho.

 

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in ay sax tahay in ay Ciidamada Itoobiyaanka Taangiyo adeegsadaan, wuxuna sheegay in haddii Ciidamada madaafiic lagu rido in ay iyaguna xaq u leeyihiin in ay hubkaas mid ka weyn ku jawaabaan.

 

Wuxuu sheegay in howlgallo lagu sugayo ammaanka Muqdisho oo ka socda Galbeedka Wadada Warshadaha ay 90% soo af-jarmayaan, inta harsanna dhawaan la soo geba-gebeyn doono.

 

Guddoomiyaha iyo Afhayeenka Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye ee kala ah Maxamed Xasan Xaad iyo Axmed Diiriye Cali ayuu ku eedeeyay Maxamed Dheere in ay difaacayaan sida uu hadalka u yiri wax la mid ah wixii ay difaaci jireen sanadkii 1993-kii, “Caalamka waa horumaray, waana kala duwan tahay meeshii la joogay 1993-kii iyo meesha la joogo 2007”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ugu baaqay dadka ku harsan deegaannada ay dagaallada ka socdaan in ay ka fogeeyaan dhibaato ka soo gaarta hubka la isu adeegsanayo.

 

Hadalka Maxamed Dheere ayaa wuxuu yimid kadib markii uu Guddoomiyaha Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Maxamed Xasan Xaad oo u waramay Idaacadda BBC-da uu sheegay in Dagaalka ka dhacay Magaalada Muqdisho ay bilaabeen Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowladda Federaalka oo sida uu yiri mar kasta ku mar-marsiyooda in ay howlgallo baaritaanno sameynayaan.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).