9.6 C
London
Thursday, October 23, 2025

Guddoomiyaha Degmada Beledweyne oo xalay gurigiisa lagu weeraray

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, November 01, 2007(HOL):  Habeennimadii Xalay ayaa kooxo aan lagaran waxaa ay weerara ku qaadeen Guriga uu degan yahay Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim inkastoo aysan cidna wax ku noqon weerarka oo ahaa mid loo adeegsaday Bam kuwa gacanta laga tuuro ah.

 

Rasaas aad culus ayaa wax yar kadib laga maqlay Xaafada Buundo-weyn ee uu degan yahay gudoomiyaha kuwaasoo qal-qal badan ku abuuray dadka ku dhaqan gudaha Magaalada, waxaana markiiba xirmay isku socodkii dadka ee Xaafada Buundo-weyn iyo qeybaha kala ee Magaalada iyada oo markii danbe guriga gudoomiyaha gaareen qaar ka mid ah Ciidamada Dowlada Federaalka

 

Weerarka Habeenimadii xalay lagu qaaday Gudoomiyaha Degmada Beledweyne Cilmi Saney Qaasim ayaa noqonaya kii Sadaxaad oo lagu beegsado Gudoomiyaha, waxaana goor dhaw oo saxaafada la hadlay gudoomiyuhu sheegay in saacadaha soo  socda uu qaadi doono talaabo ka dhan ah kuwa sida uu hadalka u dhigay ugaarsanaya

 

“Xitaa Cida aynu tuhunsanahay la tiigsan meyno Maxkamad iyo wax lamid ah ee Aniga ayaa talaabo ka qaadaya ayuu yiri Gudoomiyaha oo sheegay in dhiniciisa Dulqaadkii ka dhamaaday.”

 

Guddoomiye ku-Xigeenka Arimaha Bulshda Maamulka Degmada Beledweyne C/raxmaan Cilmi Buruki oo ka hadlay sida uu u arko Xaalada Nabad-galyo ayaa sheegay in weerarada dhacaya iyo qaraxyada isdaba jooga ah dhamaantood ay  ka danbeeyaan Mas’uuliyiinta Maamulka Gobalka isaga oo dhanka kale wax lala yaabo ku tilmaamay kulan dhawaan ay wada qaateen Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka kaasoo looga wada hadlayay xaalada amaanka.

 

C/raxmaan Buruki waxaa uu sheegay in Mas’uuliyadii Gobalka oo idil uu maroorsaday sida uu hadalka yiri shaqsi oo kaliya, isaga oo intaa raaciyay in Qaraxyada ka dhacay Magalada yihiin kuwa salka ku haya cadaadiska dadka lagu hayo, waxaana uu intaa ku sii daray in arimahaasi yihiin kuwo aan loo dulqaadan karin.

 

Hadalka Guddoomiye ku-xigeenka Degmada ayaa muujinaya sida loogu sii kala fogaanayo aragtida la xiriita Nabad-galyo darida ka soo koradhay Magaalada Beledweyne iyo qeybo badan oo ka mid ah Gobalka Hiiraan, dhawaan ayeey aheyd markii uu kulan dhax maray Gudoomiyaha Gobalka Hiiraan iyo Odayaasha dhaqanka kasoo ugu danbeytii lagu magacaabay gudi ka kooban labada dhinac si markaa looga wada shaqeeyo arimaha Nabad-galyada.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

diini@hiiraan.com

Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).