Khamiis,
Xaafadaha Suuqa Xoolaha, Towfiiq iyo Agagaaraha Saldhigga Booliska Yaaqshiid ayaa la sheegay in ay dilalku ka dhaceen, waxaana nawaaxiga Saldhigga Degmada Yaaqshiid lagu dilay nin lagu magacaabi jiray Xasan Indhoole, sidoo kalena Xaafadda Towfiiq ee isla Degmada Yaaqshiid ayaa isna lagu dilay nin lagu magacaabi C/llaahi Jareer, halka Xaafadda Suuqa Xoolaha lagu dilay marxuum lagu magacaabi jiray C/naasir Daahir Yuusuf, kaasi oo la sheegay in uu ahaa Xisaabiyaha Shirkadda Ganacsiga guud ee Beder Guriceel.
Dilalka loo geystay seddexdaas ruux ayaa waxay ku soo hagaagayaan iyadoo xaaladda ammaan ee magaalada Muqdisho ay tahay mid aan hagaagsaneyn, isla markaana ay ka dhacayaan dilal qorsheysan, qaraxyo iyo iska hor-imaadyo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka, kuwa Itoobiya iyo Kooxaha hubeysan ee ka soo horjeeda.
Marka laga soo tago dilalka xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho sida kale xaalka Caasimadda Soomaaliya waa uu degan yahay wax iska hor-imaadyo ahna
Qaar ka mid ah Dadkii ku barakacay Dagaalladii afarta maalmood ka socday Magaalada Muqdisho ayaa haatan waxay bilaabeen in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan, inkastoo ay weli jiraan dad aan ku kalsooneyn xabad-joojinta ka dhaqan gashay deegaannadii ay ka qaxeen ee ay dagaalladu ka dhaceen.
Hayeeshee Dib u soo laabashada dadka guryahooda ku soo noqonaya ayaa waxay bilaabatay kadib markii ay mas’uuliyiinta Gobolka Banaadir iyo kuwa Taliska Booliska Soomaaliyeed ay ugu baaqeen Dadka Muqdisho in aysan barakicin, isla markaana ay kuwa qaxay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online