15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Faah-faahin dheeraad ah oo ku saabsan dagaalkii maalintii shalay ahayd ka dhacay Deegaanka Baar Magood

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 08, 2007(HOL): Dagaal Culus oo aan waxba lasy-kula haran kuna dhax maray deegaanka Baar-magoog Maalintii shalay dhinacyadii ku dagaalamay halkaa dhowr bilood ka hor ayaa wararkii ugu danbeeyay ee ka soo baxaya waxaa ay si faah faahsan uga hadlayaan Qasaaraha dagaalku sababay.

Sida warar lagu kalsoonaan karo ay xaqiijinayaan dagaaladii ugu danbeeyay ee dhacay Maalintii shalay ilaa habeen hore waxaa ay sababeen dhimashada dad gaaraya ilaa 19 ruux halka in kabadan 30 ruuxna ay ku dhaawacmeen, iyada oo Isbitaalka Guri-Ceel ee Gobalka Gal-gaduud oo kaliya la geeyay dhawaaca 20 ruux oo markii danbe 4 ka mid ah ay u dhiteen dhawaca soo gaaray.

Warku waxaa uu intaas ku darayaa in dagaalkii maalintii shalay dhacay markii ugu horeysay ay ka qeyb-qaateen gawaarida dagaalka ee loo yaqaan (Tikinikada) taasoo muujineysa xadiga iyo waliba culuska dagaalku lahaa.

inkastoo ilaa hada la xaqiijinayo dhimashada 19 Ruux oo kaliya ayaa hadana waxaa in la xuso mudan in ay jiraan warar kale oo intaa ka sii badinaya dadka ku geeriyooday dagaalkii dhacay Maalintii shalay, maadaama ay jiraan dad iyagu aan la gaarsiin goobaha caafimaadka lagana yaabo in ay ku naf-waayeen goobta dagaalku ka dhacayo.

ilaa hada majiro dadaal socda oo la doonayo in xaalada lagu qaboojiyo waxaana muuqaneysa in wali xiisada dagaalku halkeedii tahay labada dhinacna is hor fadhiyaan.

Wararkii ugu danbeeyay ee sacaado ka hor laga helay goobta dagaalkuna waxaa ay sheegayaan in mar walba la filan karo dagaal mar kale dhaca mar marka qaarna la maqlayo dhawaaqa Rasaasta labada dhinac, inkastoo uusan xaalku aheyn mid la mid kii shalay.

Beelaha dagaalkani u dhaxeeyo oo ah kuwo marka dhan laga eego khilaafkoodu soo bilaawday mudo aad u fog ayaa hadana waxaa uu yahay mid sii xoogeystay wixii ka danbeeyay muran kii siyaasadeed ee ka dhashay soo dagetaankii deegaanka Jawiil Ciidamo uu hor kacayay Xildhibaan Cadow.

Dhanka kale waxaa lagu fashilmay wada hadalo la doonayay in meesha looga saaro khilaafka labada dhinac kadib markii laysku maan dhaafay sida wada hadaladaasi loo wajahayo.

C/ raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).