15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Magaalada Kismaayo oo xalay Bandow ku Jirtay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 08, 2007(HOL): Magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa habeenkii xalay ahaa waxay ku waabariisatay bandow, kadib markii ay amarkaas soo saareen saraakiisha Ciidamada Dowladda Federaalka ee ku sugan halkaas.

Bandowgan ayaa magaalada Kismaayo lagu soo rogay kadib markii laga baqay in ammaanka magaalada uu faraha ka baxo, isla markaana ay dhibaatooyin ka dhacaan, waxaana xalay la arkayay ciidamo ka tirsan Dowladda federaalka oo roondo ku marayay waddooyinka dhexmara magaaladaas Kismaayo, kuwaasi oo la sheegay in ay soo xuleen Xildhibaano iyo Wasiirro ku sugan magaaladaas.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu soo waramayaa in ay xalay ka duwaneyd habeennadii aynu ka soo gudubnay, waxayna dadku sheegeen in ay xalay ku hoydeen nabadgelyo, halka habeenadii aynu ka soo gudubnay oo ay magaalada ka jireen falal lid ku ah nabadgelyada.

Bandowga lagu soo rogay magaalada Kismaayo ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo dhawaan ciidamo horay u wada joogay Magaalada oo ka wada tirsanaa Dowladda Federaalka ay dagaalameen, isla markaana ay beelo u kala baxeen, iyadoo dhinac ka mid ah ciidamadii dagaalamayna magaalada.

Wasiirka arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed Gacma-dheere iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa dhawaan waxay magaalada Kismaayo u tageen in ay dhameeyaan xiisadda ka dhex dhalatay Ciidamada labada dhinac, waxaana la sheegayaa in aaney jirin ilaa iyo haatan wax natiijo ah oo ka soo baxay socdaalkii wafdigaas uu ku tegay magaalada Kismaayo. Hayeeshee waxaa jiro warar aan si hoose u helnay oo sheegaya in dhawaan magaalada Kismaayo loo diri doono ciidamo ka socda Dowladda Federaalka, kuwaasi oo gacanta ku qaban doona ammaanka Magaalada, isla markaana hub ka dhigis ku sameyn doona dadka.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).