15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka oo burburiyay Sandaqado si sharci darro ah looga dhisay hareeraha Waddooyinka

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 08, 2007(HOL): Ciidamada Mileteriga iyo kuwa Booliska Dowladda Federaalka Soomaaliya oo wada socda ayaa saakay waxay burburiyeen sandaqado si sharci ah looga dhisay hareeraha wadada 30-ka, gaar ahaan inta u dhaxeysa Isgoysyada Baar Ubax iyo Al-Baraka.

Sandaqadahan ay burburiyeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxay ahaayeen kuwo ay ku ganacsan jireen ganacsato yar yar oo ka baayac mushtara Shidaalka iyo Qaadka, kuwaasi oo saakay markii burburinta lagu bilaabay sandaqadahoodii bilaabay cabasho ku saabsan in aysan heysan meel ay ku xoogsadaan oo ay ka soo saartaan nolol maalmeedkooda.

Booto Axmed Baarre oo ka mid ah ganacsatada yar yar ee shidaalka ka ganacsada oo sandaqaddii ay ku xoogsan jirtay laga jebiyay ayaa sheegtay in ay Ciidamada Dowaldda Federaalka xalay jebiyeen goobihii ay ku ganacsan jirtay, isla markaana markii ay saakay soo shaqo tagtay ay arkeen meeshii ay ku shaqeysan jirtay oo maran.

Maamulka Gobolka Banaadir oo soo saaray amarka lagu burburinayo sandaqadaha iyo guryaha sida sharci darrada ah looga dhisay hareeraha waddooyinka xiligii uu fowdada ku jiray dalka ayaa wuxuu ku macneeyay sababta loo jebinayo guryaha iyo sandaqadaha ku yaala hareeraha waddooyinka iyadoo la doonayo in la soo celiyo bilicdii waddooyinka Magaalada Muqdisho.

Dadka leh Guryaha ku soo jeeda Waddooyinka Laamiga ee ay Sandaqadaha ka hor dhisnaayeen iyo weliba darawallada Gaadiidka kala duwan ayaa soo dhaweeyay howshan nadiifinta Waddooyinka ah ee uu ku dhaqaaqay Maamulka Gobolka Banaadir, waxayna sheegeen in ay dhibaato ku qabi jireen sandaqadaha sida sharci darrada ah uga dhisan hareeraha waddooyinka.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca Arrimaha Bulshada Maxamed Cusmaan Dhagaxtuur ayaa ugu baaqay dadka sida sharci darrada ah ugu ganacsan jiray hareeraha waddooyinka in ay nidaamka raacaan, isla markaana ay tagaan suuqyada sharciga ah ee horay loogu ganacsan jiray, wuxuuna caddeeyay in maamulka gobolka Banaadir uu ganacsatadaas ku caawin doono sidii ay ku heli lahaayeen meelo ay ku ganacsadaan.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa horay waxay howlgal midkan oo kale ah oo waddooyinka lagu nadiifinayay ay ka fuliyeen inta u dhaxeysa Isgoyska KM4 iyo Isbitaalka Banaadir, halkaasi oo ay ku yaaleen sandaqado tiro badan oo qarka u saarnaa in ay wadada xiraan. Si kastaba arrintu ha ahaatee tan iyo markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya ayaa goobaha ganacsiga waxay ahaayeen kuwo laga dhiso goobo aan sharci ahayn sida dhinacyada waddooyinka, bartamaha waddooyinka, jidadka waaweyn ee xaafadaha iyo goob kasta oo bannaan iyadoo aysan cidna cidda kale wax xushmad ah aysan siinayn.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).