Isniin, May 07, 2007(HOL): Warar goor dhow ka soo baxay deegaano ka tirsan dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa sheegaya in mar kale la maqlayo Rasaas Culus oo ka dhaceysa Deegaanada Baar-magoog iyo Labo Baar oo ka wada tirsan Dhulka Ismaamulka kadib markii habeenkii xalay dagaal ka dhax qarxay beelihii horay halkaa ugu dagaalamay.
Warku waxaa uu intaa ku darayaa in dagaalka danbe uu qarxay xili dhulka hada lagu dagaalamayo ay dib ugu soo laabteen shacabka labada beelood ee markii hore ka cararay dirirta u dhaxeeysa labada dhinac, waxaana jiri sida wararku sheegayaan in dagaalku ku sii fidayo goobo hor leh dhinacyada is hayana isku hub iyo ciidan guranayaan, Ilaa hadana lama hayo qasaaraha Rasmiga ah ee dagaalku geystay.
Dagaalka mar kale laga soo sheegayo Deegaanada Baar-magoog iyo Labo-baar oo ka wada Tirsan Dhulka Ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya ayaa ku soo beegamaya xili maalmihii u danbeeyay Gudaha magaalada B/weyn ay u fadhiyeen Odayaal ka kala tirsan labada dhinac sidii loo dhameyn lahaa wixii khilaaf ah ee jira, kaasoo marka dhan laga eego u muuqda mid meesha ka sii baxaya.
Ilaa hada ma jiro wax war ah oo ka soo baxaya dhinaca Maamulka Gobalka gaar ahaa Mas’uuliyiinta labada beelood ee ku jira Maamulka, walow warka ku saabsan dagaalka uu yahay mid goor dhaw uun soo baxay.
Wixii warar ah ee ku soo kordha xiisada dagaal kala soco wararka danbe ee HOL.
C/ raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia






