15.2 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Maxamed Dheere oo Af-duubka Markab lagu heysto Xeebaha Soomaaliya ku eedeeyay Ganacsatoka soo jeeda Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 07, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa af-duubka lagu heysto markabka Maria Queen wuxuu ku eedeeyay in ay ku lug lahaayeen ganacsato ka tirsan Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in markabkaas oo lagu heysto Xeebaha Gobolka Banaadir ay gacan ka geysteen sidii loo qabsan lahaa wax uu ugu yeeray ganacsato ku sheeg ku sugan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo uu sheegay in uu maamulkiisa tallaabo ka qaadi doono marka ay u soo dhamaato baaris ugu socota.

Maxamed Dheere waxaa uu ugu baaqay kooxaha Burcad Badeeda ah ee heysta Markabkaas in ay si deg deg ah oo shuruud la’aan ah ku sii daayaan, haddii ay ku sii deyn waayaana ay fishaan tallaabo sharci ah oo uga timaada dhinaca Maamulka Gobolka Banaadir.

Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) waxaa uu sheegay in kooxaha burcad badeedka ah ee maraakiibta iyo Doomaha qafaasha ay in muddo ah af-duuban jireen Maraakiib iyo Doomo u raran ganacsato Soomaaliyeed, wuxuuna caddeeyay in dhawaan la howlgelin doono Ciidamada Badda Dalka Soomaaliya, si ay ula dagaalamaan kooxahaas Burcad Badeedka ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay qorshaha u degsan maamulka Gobolka Banaadir, wuxuuna carrabka ku dhuftay in maamulkiisa uu haatanba bilaabay dhismaha maamullada Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo howlgallo ay sameynayaan Ciidamada Booliska iyo kuwa Mileteriga Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Maxamed Dheere ayaa shirkiisan jaraa’id waxaa uu qabtay kadib markii uu soo dhameystay kormeer uu ku soo kala bixiyay 16ka Degmo ee gobolka Banaadir, kuwaasi oo uu qaarkood u magacaabay Guddoomiyayaal cusub, halka kuwo kalena uu u dhaafay Guddoomiyayaashii horay madaxda uga ahaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).