15.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Maxamed Dheere oo magacaabay Agaasimaha nabad-gelyada iyo Dib u heshiisiinta Gobolka Banaadir

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 06, 2007(HOL): Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa maanta u magacaabay Agaasimaha guud ee Nabadgelyada iyo Dib-u-heshiisiinta Gobolka Banaadir nin ka tirsanaa Hoggaamiye Kooxeedyadii Muqdisho, kaasi oo lagu magacaabo Nuur Xasan Cali (Nuur Diqle).

Qoraal uu soo saaray Maxamed Dheere ayuu ku sheegay in uu mas’uulkan magacaabay kadib markii uu eegay baahida loo qabo nabadgelyada iyo dib u heshiisiinta, iyadoo wareegtada lagu magacaabay mas’uulkan-na si ogeysiis ahaan ah loogu socodsiiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Maxamuud Guuleed (Gacma-dheere).

Maxamed Dheere ayaa faray Agaasimahan cusub in uu howshiisa uga soo baxo si xilkasnimo leh, isagoo mas’uuliyiinta kale ee ay wada shaqeynta kala dhaxeysana ugu baaqay in ay ku gacan siiyaan sidii uu xilkiisa u gudan lahaa.

Nuur Diqle ayaa waxaa uu ka mid ahaa Hoggaamiye kooxeedyadii ay Maxkamadihii Islaamka ka ceyrsadeen Magaalada Muqdisho kadib dagaal xooggan oo dhexmaray, wuxuuna dib u soo noqday sida hoggaamiyayaasha kale ee la midka ah kagadaal markii markooda laga itaal roonaaday Maxkamadihii Islaamka ee ka ceyrsaday magaalada Muqdisho.

Dhanka kalena, maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta wuxuu magacaabay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, ku xigeenadooda iyo kuwa Waaxaha, waxaana maanta la magacaabay Guddoomiyayaasha ilaa 8 degmo oo ka tirsan Gobolka Banaadir, halka maalinta berri ahna la magacaabi doono 8da degmo ee kale ee Gobolka Banaadir.

Xafladdii lagu magacaabayay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa waxaa ka hadlay Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere), wuxuuna uga digay mas’uuliyiintii la magacaabay in ay iska seexdaan oo aysan shaqeynin, “Waa laga soo gudbay xiligii inta wax laga magacaabo la iska seexan jiray, waxaan idiin sheegayaa in qofkii aan xilkiisa u gudan sidii loogu magacaabay tallaabo sharci ah laga qaadi doono, ma dhici doonto in xilka kaliya laga qaado balse waxaa la marsiin doonaa sharciga, wixii uu ka helo ayuuna leeyahay”ayuu yiri Maxamed Dheere.

Maxamed Dheere ayaa mar uu ka hadlayay qorshe howleedkiisa Gobolka Banaadir waxaa uu sheegay in uu Degmooyinka Gobolka Banaadir u sameyn doono Guddoomiyayaal Degmo, ku xigeeno iyo kuwo Waaxeed, kuwaasi oo dadka xaafad-xaafad isugu xiri doona, isla markaana lagala xisaabtami doono Guddoomiyayaasha Waaxaha wax kasta oo soo gala ama ka baxa Xaafadaha Degmooyinka ay madaxda ka yihiin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).