15.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Dadkii Muqdisho ka barakacay oo guryahooda ugu soo laaban la’ Ciidamo dul degan aawgood

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 06, 2007(HOL): Dadkii ka barakacay dagaalladii dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ee u dhaxeeyay Ciidamada Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya oo isku dhinac iyo kooxo wax iska caabin ah oo ka soo horjeeday ayaa waxay ka maagayaan in ay guryahooda ku soo laabtaan, iyadoo taasina ay ugu wacan tahay iyadoo ay guryahooda dul degan yihiin Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali isugu jira oo aad u hubeysan.

Deegaanada ay cabashada ka imaaneyso ee aysan dadkaasi guryahooda ku soo noqon karin ayaa waxaa ka mid ah Xaafadaha Suuqa Xoolaha, Ex-Koontarool Balcad, Nawaaxiga Warshaddii Baastada, Xamar Bile iyo Cali Kamiin, waxaana deegaanadaasi weli ku sugan Ciidamo Itoobiyaan iyo Soomaali ah.

Dadkani ayaa waxay ka codsanayaan Dowladda Federaalka Soomaaliya in guryahooda looga dulqaado Ciidamada dul degan, si ay dib ugu soo laabtaan, iyagoo caddeeyay in aaney haatan ku dhiiran karin in ay ku laabtan guryahooda oo ay dul degan yihiin Ciidamo ay sheegeen in ay wax kasta ka suurtoobaan.

Qaar ka mid ah Dadkani ka barakacay Dagaalladii Muqdisho oo markii ay istaageen dagaalladii Muqdisho doonayay in ay guryahooda dib ugu soo laabtaan ayaa qaarkood waxay dib ugu laabteen halkii ay u qaxeen kadib markii ay yimaadeen guryahoodii oo aag ciidan ah.

Dhanka kalena, waxaa si tartiib tartiib ah dib ugu howlgelaya Suuqyo ku xirmay dagaalladii Muqdisho, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Suuqa Xoolaha Jamhuuriya, Suuq Bacaad, Towfiiq iyo qeybo ka mid ah Suuqa Bakaraaha, waxayna suuqyadaas noqdeen intii ay dagaallada socdeen aag dagaal oo ay ku dagaalamayeen dhinacyadii Muqdisho isaga soo horjeeday.

Dagaaladdii mudada bisha ah ka socday magaalada Muqdisho ayaa waxay geysteen khasaare Dhimasho, Dhaawac, Bur bur Hantiyeed iyo Barakac leh, kuwaasi oo soo gaaray dad rayid ah oo aan waxba galabsan, iyadoo ay xusid mudan tahay in dadkaasi barakacay qaarkood aaney lahayn meel ay u soo noqdaan kadib markii guryahoodii ay burburiyeen madaafiicdii ay labada dhinac isku ridayeen.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).