15.8 C
London
Wednesday, November 5, 2025

Ciidamada Itoobiya ee fariisinka ku lahaa Duleedka Magaalada Beledweyne oo u dhaqaaqay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 05, 2007(HOL): Qaar ka mid Ciidamadii Fariisinka ku lahaa Deegaanka Jante-guudisho ee Duleedka Magaalada B/weyn ayaa u dhaqaaqay dhinaca magaalada Muqdisho sida ay u xaqiijiyeen HOL qaar ka mid ah dadka deegaanka Jante-guudisho oo arkayay markii ay Ciidamada halka ka anba baxayeen.

Ciidamada u Ruqaansaday dhinaca Magaalada Muqdisho ayaa lagu waramayaa ka hor inta aysan ka dhaqaaqin deegaanka Jante- guudisho in ay ku soo biireen kuwo kale oo ku hubeysnaa Qoryaha Culus oo uu mid yahay Qoriga Tankiga iyo kuwa ciidamada daabule ee loo yaqaan ( Uraalka) lamana oga sababta keentay in xiligan oo ay soo afjarmeen dagaaladii Muqdisho in ciidamadu dhaqaaqaan watada aada Magaalada Muqdisho.

Wararka kale oo iyana soo baxaya ayaa tilmaamaya in Ciidamadana yihiin kuwo ku eg Gobalka Shabeelada dhaxe deegaano ka tirsan, walow aan si dhab ah arintaa loo xaqiijin karin, Qaar ka mid ah deegaanada Halgan, iyo waliba Buula-burte oo ay HOL la xiriirtay ayaa sheegay in ay arkeen Ciidamada oo si xowli ah ku sii dhaafaya goobahaa, taasoo muujineysa in ay ka sii gudbeen Deegaanada ku teedsan Gobalka hiiraan.

Wali waxaa deegaanka Jante-guudisho sii jooga Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya oo mar marka qaar lagu arko gudaha magaalada iyaga oo iibsanaya Alaabo kala duwan sida Mopelka oo ah mid ay siweyn u isticmaalaan, waxaana xusid mudan in Ciidamadu marka ay joogaan gudaha magaalada laga dareemayo kalsooni aad u weyn, taasoo muujeneysa isku xirnaata ka dhaxeeysa Ciidamada Maamulka iyo kuwa Itoobiya ee dhawaan soo dagan duleedka Magaalada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).