Sabti, May 05, 2007(HOL): Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa ugu baaqay dadka degan Xarumaha ay leeyihiin Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in ay muddo seddex maalmood gudahood ah uga guuraan.
War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, isla markaana uu ku saxiixnaa Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa waxaa lagu sheegay in ciddii muddo seddex maalmood ah uga guuri weysa guryaha iyo Xxarumaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Amarkan ka soo baxay Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo maamulka Gobolka Banaadir uu dhawaan soo saaray amar ku socday Dadka degan Xarumihii Dowladda Hoose iyo dadka ku ganacsada hareeraha waddooyinka, kuwaasi oo haatanba bilaabay in ay ka guuraan goobahaas.
Maamulka Gobolka Banaadir ee dhawaan la magacaabay ayaa wuxuu soo saarayay ammarro lagu hagaajinayo ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana amarradaas ka mid ahaa in aan magaalada Muqdisho rasaas lagu dhex ridi karin iyo in aaney magaalada Muqdisho hub ku dhex qaadan karin cid aan ahayn Ciidamada Dowladda Federaalka.
Dhamaan awaamiirta ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayay madaxda hay’adahaasi ku sheegeen in ay la xiriirto sidii loo adkeyn lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho, isla markaana loola dagaalami lahaa kooxaha ay dhici karto in ay falal nabadgelyo darro ah ka abuuraan magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyntiina, iyadoo ay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay soo saarayaan awaamiirtan lagu sugayo ammaanka ayaa hadana waxaa xalay ka dhacay magaalada Muqdisho Qarax weyn oo laga wada maqlay xaafadaha Magaalada Muqdisho, kaasi oo aan la ogeyn ciddii ka dambeysay.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






