Sabti, May 05, 2007(HOL): Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray Magaalada Muqdisho, iyagoo ka tegay magaalada Baydhabo oo fariisin KMG ah u ah Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ayaa markii uu Muqdisho gaaray kadib wuxuu kulan kula qaatay Xarunta Villa Somalia Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo ay isla soo qaadeen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda uu dalka ku sugan yahay iyo iyadoo ay labadan mas’uul isugu hambalyeeyeen in ay Dowladda Federaalka la wareegtay gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.
Faah-faahin rasmi ah lagama bixin ujeedada socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, waxayse warar aan ka helnay ilo ku dhow dhow Guddoomiyaha Baarlamaanka ay sheegayaan in uu Shiikh Aadan Madoobe joogi doono Magaalada Muqdisho muddo seddex maalmood ah.
Waa markii labaad oo uu Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Madoobe uu Muqdisho socdaal ku yimaado tan iyo markii loo doortay Guddoomiyenimada Baarlamaanka, inkastoo markii hore ee uu Muqdisho imaanayay ay xaaladda Magaalada ahayd mid aan hagaagsaneyn oo ay qaraxyo ka dhacayeen, isla markaana madaafiic lagu weerarayay xarumaha Dowladda Federaalka, sida Xarunta Villa Somalia oo kale.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe) ayaa sidoo kale tan iyo markii loo doortay Guddoomiyenimada Baarlamaanka Soomaaliya waxaa uu Baarlamaanka ku guuleystay in uu ansixiyo dhowr mooshin oo la hor-geeyay, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen mid xilalkii Xildhibaannimo looga qaadayay dhowr iyo Sodon Mudane oo Baarlamaanka ka tirsan iyo mid kale oo lagu ansixinayay sharciga la-dagaalanka argagixisada.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Seddexda Mas’uuul ee ugu sareysa Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kala ah Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi ayaa la sheegaa inay saaxibo isu dhow yihiin, isla markaana ay hal meel u wada jeedaan, halka Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan uu si weyn uga soo horjeeday siyaasadaha Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






