Sabti, May 05, 2007(HOL): Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo tan iyo markii ay yimaadeen caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waday howlo ay dadka ugu samafalayaan ayaa saakay waxay deeq gaarsiiyeen Isbitaalka Madiina oo ka mid ah Isbitaalladii ay buux dhaafiyeen dhaawacyadii ka dhashay dagaalladii Muqdisho ka dhacay.
Kaalmada ay Ciidamada Uganda geeyeen Isbitaalka Madiina ayaa waxaa ka mid ah Teendho la jiifinayo dad badan oo dhaawac ah oo ku dandareysay banaanka Isbitaalka bacdamaa uu Isbitaalka buux dhaafay, sidoo kalena waxay ku deeqeen Ciidamada Uganda qaar ka mid ah Dhaqaatiirtooda oo ay Isbitaalka geeyeen, si ay u daweeyaan dadka dhaawacyada qaba.
Afhayeenka Ciidamada Uganada Captain Paddy Ankunda ayaa sheegay in Dhaqaatiirtooda ay horay u daweeyeen dad badan oo loo geeyay intii ay socdeen dagaalladii Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in haatanna ay go’aansadeen inay sii daweeyaan dadka dhaawacyada qaba ee ku jira Isbitaallada Muqdisho.
Sidoo kalena Ciidamada Uganda waxay gaarsiiyeen Isbitaalka Madiina Haan weyn oo Bambiiro ah, taasi oo Isbitaalka biyo loogu keydinayo, waxaana kaalmadaas si weyn u soo dhaweeyay Maamulka iyo Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina iyo weliba ehellada dadka dhaawacyada qaba ee Isbitaalkaas ku jira.
Ciidamada Uganda ayaa horay waxay biyo ugu qeybiyeen dadkii ka barakacay Magaalada Muqdisho ee ku hoos noolaa geedaha ku yaala hareeraha Wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye, waxayna kaalmeyntooda ku soo beegantay xili ay dadka barakacay aad ugu haraadanaayeen biyo nadiif ah oo ay helaan.
Dhanka kalena Ciidamada Uganda ayaa maanta waxay howl miino baaris ah ka sameeyeen meelihii ay dhawaan ku dagaalameen Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaalmeysanayay Ciidamada Itoobiya iyo weliba Kooxihii wax iska caabinta ahaa ee ka soo horjeeday, waxayna maanta howlgalkooda ka bilaabeen inta u dhaxeysa Hotellada Kaah iyo Ramadaan ee Degmada Yaaqshiid, halkaasi oo ay ka heleen ilaa Afar Miino oo dhulka la geliyay, kuwaasi oo ay banaanka u soo saareen roobab maalmahan ka da’ayay Magaalada Muqdisho.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa howlgalladooda aan dhiigga ku daadaneyn waxaa si weyn u soo dhaweynaya dadka Muqdisho ku dhaqan oo iyagu u arka Ciidamada Uganda kuwo aan dileynin oo u gargaaraya.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






