15.8 C
London
Tuesday, November 4, 2025

MAAMULKA GOBOLKA BANAADIR OO SOO SAARAY AMAR LAGU SUGAYO AMMAANKA MAGAALADA MUQDISHO

- Advertisement -spot_imgspot_img

MAXAMED DHEERE: “Magaalada Hub laguma dhex wadan karo, xabadna laguma ridi karo, ciidamada Dowladda haddii ay qoryahooda tijaabinayaan waa in ay magaalada kala baxaan”

 

CABDI QEYBDIID: “Gadiidka leh Muraayadaha aan la iska arki Karin waa in muddo seddex maalmood gudahood ah looga fujiyaa, ciddii fujin weysana waxaa loo arkayaa in ay nabadgelyada ka soo horjeedo”

 

Jimco, May 04, 2007(HOL:) Xaflad lagu caleemo saarayay maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho, iyadoo xafladdaasina ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socotay dowladda dhexe ee Soomaaliya, kuwaasi oo uu horkacayay Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, iyadoo ay sidoo kalena ay xafladda ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka socday Dowladda Hoose, halka ay goob joog ka ahaayeen Saraakiil ka socday Ciidamada Dowladaha Itoobiya iyo Uganda ee Muqdisho jooga.

 

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo xafladdaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo qorshaha uu maamulka Gobolka Banaadir u dejiyay in uu wax uga qabto ammaanka Magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay in looga fadhiyo in ay gacan bir ah ku qabtaan dadka caadeystay sida uu yiri in ay falal nabadgelyo darro ah ka geystaan magaalada Muqdisho.

 

Ra’iisal wasaare Geedi waxaa uu intaas kadib codsi u jeediyay Deeq bixiyayaasha Caalamka, wuxuuna ka codsaday in ay taageero dhinac walba leh u fidiyaan maamulka Gobolka Banaadir, si uu howlahiisa u guto, wuxuuna si gaar ah farta ugu fiiqay in uusan maamulka gobolka Banaadir lahayn qalab iyo xarumo diyaarsan oo uu ku howlgalo.

 

 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo isna ka hadlay xafladdii lagu caleemo saarayay ayaa amar ku bixiyay in aan magaalada Muqdisho hub lagu dhex wadan karin, isla markaana aan magaalada dhexdeeda rasaas lagu ridi karin, “Cid aan ahayn Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed hub kuma dhex wadan karto magaalada Muqdisho, ciddii aan ka tirsaneyn ciidamada Dowladda ee hub soo qaadatana waxaa loo arkayaa in ay tahay burcad hubeysan, waxaana lagu qaadi doonaa sharciga lagula dagaalamayo burcadda”ayuu yiri Maxamed Dheere oo dhanka kale sheegay in aan magaalada Muqdisho rasaas lagu dhex ridi karin, “Ciidamada Dowladda hadii ay hubkooda tijaabinayaan waa in ay dadka kala dhex baxaan”ayuu mar kale yiri Maxamed Dheere.

 

Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Jen. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo xafladda ka hadlay ayaa isna amar ku bixiyay in aan magaalada Muqdisho lagu dhex wadan karin gaadiidka leh muraayadaha aan la iska arki karin, “Dadka leh gaadiidka aan muraayadihiisa la iska arki karin waa in ay muddo seddex maalmood gudahood ah ay gaadiidkooda uga bedelaan muraayadahaas, waayo lama garan karo cidda ku jirta gudaha gaariga waxa ay tahay”ayuu yiri Cabdi Qeybdiid oo sheegay in gaadiidka ay leeyihiin Madaxda Dowladda ee la yaqaano aanu amarkaas saameyneynin.

 

Cabdi Qeybdiid waxaa uu intaas ku daray in ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed ay si dhaqsi leh u bilaabayaan howlgallo lagu sugayo ammaanka magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay jiri doonaan Ciidamo Boolis ah oo habeen iyo maalin roondo ka sameyn doona magaalada Muqdisho.

 

Intii ay socotay xafladda lagu caleemo saarayay maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa waxaa uu maamulka Gobolka Banaadir ku wareejiyay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed 10 gaari oo tikniko ah, kuwaasi oo loo adeegsan doono sugidda ammaanka Magaalada Muqdisho.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, maamulka Gobolka Banaadir ee dhawaan la magacaabay ayaa wuxuu horay u soo saaray mudada gaaban ee uu jiro amarro kale oo saameynayay dadka ku ganacsatada hareeraha waddooyinka iyo dadka degan Xarumaha Dowladda Hoose, kuwaasi oo haatanba bilaabay in ay ka guuraan xarumihii ay deganaayeen iyo meelihii ay ku ganacsanayeen intaba.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).