17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo Liibiya u dhoofay

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 31, 2007(HOL): Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka amba baxay Magaalada Muqdisho, iyagoo ku sii jeeda Magaalada Sirta ee Dalka Liibiya.

Madaxweynaha ayaa magaalada Sirta uga qeybgeli doono Shir ay halkaasi ku leeyihiin Madax ka socota Dalalka ku bahoobay Isbaheysiga SIIN SAAD, kaasi oo looga hadli doono arrimo ku saabsan sidii ay Wadamada ku mideysan Ururkaas ay u yeelan lahaayeen Baasaboor iyo Lacag mid ah iyo weliba iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyadoo fikirkaasna uu markiisii hore lahaa Madaxweynaha martida loo yahay ee Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa haatan waxay ku sugan yihiin Dalka Liibiya, iyagoo u sii gogol xaaraya Wafdiga Madaxweynaha hoggaaminayo ee maanta u amba baxay Dalka Liibiya.

Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya C/llaahi Muxyaddiin Codka ayaa sheegay in Madaxweynaha marka uu tago Liibiya uu sidoo kale kulan la qaadan doono Madaxweynaha Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi, kaasi oo sida uu xusay ay ballan gaar ah leeyihiin.

C/llaahi Codka waxaa uu dhanka kale sheegay in uu Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo ka soo laabtay Dalka Nigeria uu soo gaaray magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya, halkaasi oo uu kulamo kula leeyahay madaxda Dalkaas iyo madax kale oo ka tirsan Midowga Afrika, kuwaasi oo uu kala hadlayo sidii loo soo de-dejin lahaa Ciidamadii ay Dalalka Midowga Afrika u ballanqaadeen Soomaaliya.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).