Khamiis, May 31, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu wax ka qabanayo amni darrada ka jirta Magaalada Muqdisho, xili ay magaalada Muqdisho ku soo badanayaan dilal loo geysanayo Dad Rayid ah iyo Saraakiil Ciidan oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo kulan la qaatay Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay in muddo 48 saacadood gudahood ah wax looga qabanayo Xaaladda Ammaan ee magaalada Muqdisho, gaar ahaana dilal maalmhan ka dhacayay.
Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in rag ku labisan Dharka Ciidamada Dowladda Federaalka ay ka dambeeyaan dilalka ka dhaca magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in ay kooxahaasi yihiin kuwo ka haray Maxkamadihii Islaamka, isagoo intaas ku daray in Ciidamada labiskooda wax lagu dilo magaalada bannaanka looga saari doono, markaasi kadibna la garan doono kooxaha falalka nabdgelyo darrada ah wada.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa uu intaas ku daray in uu Guddoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka kala hadlay sidii loo sugi lahaa ammaanka Magaalada Muqdisho, isagoo caddeeyay in ay sugidda ammaanka Magaalada u kaashan doonaan Ciidamada Uganda ee Muqdisho jooga.
Maanta ayaa la filayaa in ay awaamiirta ugu dambeysa ee lagu sugayo ammaanka Magaalada Muqdisho kala qaataan madaxda sare ee Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamulka Gobolka Banaadir, iyadoo kadibna wax weyn laga qaban doono ammaanka Magaalada Muqdisho, waa sida uu Maxamed Dheere sheegaye.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






