17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Taliyaha Saldhigga Magaalada Kismaayo oo ka badbaaday isku day lagu dili lahaa

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 31, 2007(HOL): Taliyaha Saldhigga Booliska Magaalada Kismaayo Ibraahim Khaliif Shan-Fool ayaa xalay ka badbaaday isku day lagu dili lahaa xili uu gaari ku marayay Gudaha Magaalada Kismaayo.

Taliyaha qudhiisa oo ka hadlay falka lagu dili lahaa ayaa sheegay in ay soo weerareen labo nin oo mid uu hubeysnaa, kuwaasi oo rasaas la beegsaday gaarigii uu saarnaa, wuxuuse carrabka ku dhuftay in aaney weerarkaas wax dhibaato ah ka soo gaarin, marka laga reebo in ay gaarigiisa ku dhaceen 13 xabadood.

Taliye Shan-Fool waxaa uu sheegay in aysan jirin wax dhibaato ah oo kala dhaxeeyay ragga soo weeraray, wuxuuse tilmaamay in ay u muuqaneyso in loo soo adeegsaday oo la yiri Taliyaha soo dila, isagoo carrabka ku dhuftay in halka lagu weeraray ay ahayd meel magaalada dhexdeeda ah oo weliba dad badan ay buuxeen.

Taliyaha Saldhigga Degmada Kismaayo waxaa uu intaas ku daray in mid ka mid ah labada nin ee weerarka ku soo qaaday ay gacanta ku dhigeen, isla markaana ay hadda hayaan, su’aalana laga weydiinayo sababta ku kalliftay inay weerar ku qaadaan.

Xaaladda Magaalada Kismaayo ayaa muddooyinka dambe qasneyd, waxaana horay uga dhacay dilal loo geystay Saraakiil Ciidan oo Magaalada ka howl-geli jirtay, iyadoo ay sii dheer tahay in ay dhawaan gudaha Magaalada Kismaayo ku dagaalameen labo Ciidan oo ka wada tirsan Dowladda Federaalka, kuwaasi oo qaarkood magaalada laga saaray.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).