17.5 C
London
Thursday, November 6, 2025

Odayaasha Beelaha Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo Qaraxyada iyo Dilalka Muqdisho ka dhaca

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 31, 2007(HOL): Odayaasha Beelaha Hawiye ee sida weyn uga soo horjeeday Dowladda Federaalka Soomaaliya balse iska gaabsaday wixii ka dambeeyay markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho ayaa waxay baaq u jeediyeen Dowladda Federaalka iyo Kooxaha ku kacsan ee ka dambeeya Qaraxyada iyo Dilalka Muqdisho ka dhaca.

Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali ayaa sheegay in ay si weyn uga wel-welsan yihiin falal nabadgelyo darro ah oo beryahan ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho, wuxuuna carrabka ku dhuftay in kadib markii ay shir isu yimaadeen ay go’aansadeen in ay baaq u jeediyaan Dowladda Federaalka iyo kooxaha ka soo horjeeda ee qaraxyada la daba taagan.

Axmed Diiriye waxaa uu sheegay in ay Dowladda Federaalka u jeediyeen in ay joojiso Dadka xir-xireyso ee ay ugaarsaneyso, sidoo kalena ay u jeediyeen Kooxaha Qaraxyada iyo Dilalka ka dambeeya in ay iyaguna falalkaas joojiyaan, wuxuuna Odayaasha Beelaha Hawiye ka fogeeyay in ay wax ka ogyihiin Qaraxyada ka dhaca Magaalada Muqdisho.

Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye waxaa uu intaas ku daray in aan xiligan loo baahneyn dhibaato kale oo hor leh in loo soo jiido dadka Soomaaliyeed, “Dadkani waa soo maray dhibaato in ku filan oo dhimasho, dhaawac, barakac iyo Bur-bur Hantiyeed ah, waxaana ku talineynaa in wixii hadda ka dambeeya wax kasta lagu raadiyo qaab Wada hadal iyo Dib u heshiisiin ah”ayuu yiri Axmed Diiriye Cali.

Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa intii ay socdeen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay ee ay ku adkaatay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay qaban jireen shirar saxaafadeedyo ay Dowladda Federaalka iyo Dowladda Itoobiya ku eedeyn jireen, inkastoo markii ay dagaalladaas soo dhamaadeen ay kulamo yeesheen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Odayaasha Beelaha Hawiye, iyadoo kulamadaasina la sheegay in ay labada dhinac ku guddoonsadeen in aan dhibaato dambe la abuurin.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).