
Khamiis, May 31, 2007(HOL): Xarunta Cilmi Baarista iyo Wadatashiga Soomaaliyeed (CRD), ayaa aqoon-isweydaarsi labo maalmood soconayey u qabatey haween tiradoodu gaareyso 43 oo ka kala yimid goboladda Bay iyo Bakol.
Ka qeybgalayaasha aqoon-isweydaarsigani ayaa waxay ka kala socdeen Ururadda Bulshada Rayidka ee ku howlan arrimaha horumarinta haweenka iyo bulshada guud, iyadoo muhimad gaar ah ay hay’addu siisay Ururada ka shaqeeya Nabadda, waxayna ka kala socdeen Isku-xirrada haweenka (Women’s Networks), NGOs, CBOs iyo Ururadda Haweenka ee heer Gobol iyo Degmo.
Aqoon-isweydaarsigaan oo soconayey intii u dhaxeysaay 26-27 May, 2007 wuxuu qeyb ka ahaa barnaamijyo isdaba-joog ah oo ay Hay’adda CRD ugu talo-gashay in lagu kobciyo laguna xoojiyo Kaalinta Haweenka Soomaaliya kaga aadan arrimaha Dhisidda Nabadda iyo Horumarka guud ee dalka, Iyadoo halkaas ay howl-wadeenada CRD ay ka soo jeediyeen muhimada iyo kaalinta Horumarineed u leeyahay aqoon-isweydaarsigan.
Arrimaha baahi sugida iyo la tashiyada waxay sii socon doonaan dhowr beri kadib marka ay aqoon-isweydaarsiyadu dhamaadaan. Aqoon iswaydaarigan waxaa xiritaankiisa ka soo qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan dawladda, oo ay ka mid ahayd Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Marwo Caasho C/llaahi Ciise iyo Xildhibaanad Marwo Sareedo.
Sidoo kalena waxaa gebagebadii Aqoon iswaydaarsigaan ka hadlay labo gabdhood oo ka kala socday gobollada Bay iyo Bakool, iyagoo soo bandhigay aqoontii iyo waayo-aragnimadii ay ka kororsadeen aqoon iswaydaarigan, iyo muhimadda uu u leeyahay shaqadooda.
Ugu danbayntii waxaa barnaamijka xirtay Wasiir K/Xigeenka Wasaarada Arimaha Qoyska, iyadoo ka hadashay muhimadda aqoon iswaydaarsigan uu u leedahay dhisidda kartida waxqabad ee Haweenka iyo sida uu wax wayn uga tari karo howlaha ay bulshada u hayaan, sidoo kale waxay gabdhaha ku baraarujisay in ay kordhiyaan kaalintooda nabadda lana yimaadaan isku duubni; maadaama ay tiri nabad la’aanteed horumar iyo nolol midnaba jirin. Waxaa kaloo ay hadalkeeda sii raacisay in ay taageereyso hay’ad walba oo ka shaqaynayso Horumarinta Kaalinta Haweenka. Waxayna kula dardaarantay haweenkii Seminaarka uu u soo xirmay in ay dhaqan-galiyaan aqoonta ay ka faa’iidaysteen, kuna dabaqaan howlahooda. 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






