Arbaco, May 30, 2007(HOL): Habeenkii Xalay ahaa ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay dilal loo geystay Dad Rayid iyo Ciidamo isugu jira iyo qaraxyo lala beegsaday fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Saldhigga Degmada Hodan ee Gobolka Banaadir ayaa loo geystay Qarax Bambaano, kaasi oo aan la sheegin khasaaraha uu geystay, iyadoo sidoo kalena uu qarax kale ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Kaasabolbollaare ee Magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsanaa Ciidamada Nabad-sugidda Soomaaliyeed ayaa xalay iridka gurigiisa oo ku yaala Degmada Huriwaa waxaa ku toogtay labo nin oo bastoolado ku hubeysnaa, kuwaasi oo la sheegay in ay sarkaalka muddo meesha ku sugayeen.
Sidoo kalena Nin rayid ah oo goob ganacsi ku lahaa Deegaanka Xarar-yaalee ee Degmada Wardhiigley ayaa waxaa toogasho ku dilay Rag hubeysnaa oo Dukaankiisa ugu galay. Lama garanayo sababta loo toogtay ninkan ganacsadaha ahaa, waxayse eheladiisa sheegeen in raggaas ay ahaayeen kuwo abaabulan, bacdamaa aysan wax dhac ah u geysan hantidii Dukaanka u taalay.
Magaalada Muqdisho ayaa beryahan waxaa ku soo badanaya dilalka aamusan ee loo geysanayo dadka Rayidka ah iyo Saraakiisha Ciidamada, iyadoo ay sii dheer yihiin qaraxyo lala beegsado fariisimo ay ku sugan yihiin Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ah ee Muqdisho ku sugan.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Maamulka Gobolka Banaadir ayaa dhawaan wuxuu shaaca ka qaaday in ammaanka Magaalada Muqdisho ay la wareegeen Ciidamo Boolis ah oo tababar soo dhameystay, iyadoo Ciidamadii horay u joogi jiray Waddooyinka Magaalada Muqdishana dibadda looga saaray Magaalada, hayeshee ma jiraan ilaa iyo haatan wax muuqda oo ay Ciidamadan Booliska ah ka qabteen dilalka ku soo kordhaya Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






