Arbaco, May 30, 2007(HOL): Maamulka Gobolka Banaadir ee dhawaantan la magacaabay ayaa wuxuu soo saaray Wareegto lagu mamnuucayo Gaadiidka la dhigo hareeraha Waddooyinka, iyadoo ciddii u hoggaansami weysa ammarkaasna loo sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono.
Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa Gudoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa looga digay Milkilayaasha iyo Darawallada kaxeeya gaadiidka isaga kala goosha magaalada Muqdisho in aysan gaadiidkooda dhigin hareeraha Wadooyinka Muqdisho.
Amarkan ka soo baxay Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo ay horay ugu qarxeen Magaalada Muqdisho gaadiid Wadada dhinaceeda la soo dhigay, iyadoo sidoo kalena uu amarkan ku soo beegmayo xili ay Magaalada Muqdisho ku soo badanayaan Qaraxyada.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wuxuu horay u soo saaray amar Gaadiidleyda Muqdisho lagu farayay in ay is-diiwaangeliyaan, iyadoo maalintii shalay ahaydna ay Xubnaha Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka ka doodeen Ajende ay Wasaaradda Gaadiidka iyo Cirka iyo Dhulka u soo gudbisay, kaasi oo ahaa in Taargo loo sameeyo Gaadiidka.
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa tan iyo markii la magacaabay waxaa uu soo saaray Wareegtooyin dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen in la burburiyo Guryaha iyo Sandaqadaha sida sharci darrada ah uga dhisan hareeraha Waddooyinka, in aan magaalada Muqdisho rasaas lagu dhex ridi karin, in aaney magaalada hub ku dhex wadan karin cid aanan ahayn Ciidamada Dowladda Federaalka,In gurigii wax laga dhinac qarxiyo ay Dowladda la wareegi doonto iyo kuwo kale.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






