Arbaco, May 30, 2007(HOL): Wafdi ka socda Dowlada Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibada Dowladda Federalka Soomaaliya Xuseen Ceelaabe Faahiye ayaa shalay gaaray dalka Liibiya, iyadoo halkaasina uu ku soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Liibiya Dr. Maxamed Xuseen Ilka-Dahab.
Waxaa ii suurta-gashay in aan la kulmo oo aan wareysi la yeesho Wasiirka Isboortiga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mowliid Macaani Maxamuud oo Wafdiga xubin ka ahaa, kaasi oo aan kula kulmay Hotel Kabiir ,Wasiirka oo aan wax ka weydiiyey waxa uu socdaalkooda Dalka Liibiya ku saabsan yahay ayaa waxaa uu ii sheegay in uu socdaalkooda la xiriiro sidii ay ugu gogol xaari lahaayeen Wafdi uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf hoggaaminayo oo dhawaan tegi doona dalka Liibiya, kaasi oo ka qeybgelaya shirka Dowladaha ku bahoobay Siin Saad (SAAXIL WA-SAXARA) oo 1-da Bisha June 2007 ka dhici doona Dalka Liibiya.
Mowliid Macaani Maxamuud waxaa uu sheegay in Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya oo shirkaas ku casuuman uu Liibiya gaari doono 31-ka May, wuxuuna caddeeyay in shirkaas looga hadli doono Arrimo ku saabsan sida ay Wadamada ku bahoobay Siin iyo Saad ay u yeelan lahaayeen Baasaboor iyo Lacag mid ah iyo weliba iskaashi dhinacyo kala duwan leh, iyadoo fikirkaasna uu lahaa Madaxweynaha martida loo yahay ee Liibiya Col. Mucamar Al-Qadaafi.
“Mudaba Soomaaliya Xeradii xumeyd waa ka baxday, waxaana hadda leenahay Dowlad koontarsoosha dalka oo idil marka laga reebo gobolo yar” ayuu yiri Mowliid Macaani oo aan wax ka weydiiyay kuwa ay yihiin Gobolladaas “Waa Gobollada Waqooyi, kuwaasina waxaan ka dalbanay in ay ka mid noqdaan walaalahooda kale ee Soomaliyeed annaga oo tixgelin iyo qiimo gaar ah siineyno” ayuuna hadalkiisa ku sii daray Mowliid Macaani oo ka hadlayay sida ay Dowladda Federaalka uga gudbeyso Dowlad la’aantii Soomaaliya ka jirtay mudada dheer.
Ugu dambeyntii Dowladda Liibiya ee Madaxweyne Mucamar Al-Qadaafi ayaa waxay ka mid tahay Dowladaha taageerada siiya Dowladda Federaalka, waxayna dhawaan siisay madaxweynaha Soomaaliya Gaadiid kadib markii uu gaarigiiisii gaarka ahaa ku gubtay Qarax Madaxweynaha loogu geystay magaalada Baydhabo.
Saciid Axmed Cali (Saciid Anteeno)
saciidanteno@yahoo.com
Tripoli Libya






