14.1 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Wasaaradda Warfaafinta Dowladda Federaalka Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Suxufiyiinta Soomaaliyeed

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 03, 2007(HOL): 3-da May sanad kasta waxaa la xusaa maalin loo asteeyay Xoriyadda Saxaafadda Adduunka, waxaana maanta oo kale meelo badan oo caalamka ah laga xusaa Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka.

Haddaba Wasaaradda Waraafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa iyadoo tixgelineysa maalintaas waxay hambalyo u dirtay Saxafiyiinta Caalamka guud ahaan, gaar ahaana saxaafadda Soomaaliyeed. Wasiirka Warfaafinta Dowladda FKMG ah ee Soomaaliya Md. Madoobe Nuunow Maxamed ayaa munaasabaddan aawgeed hambalyo iyo bogaadin u jeediyay suxufiyiinta iyo warbaahinta Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan iyo kuwa caalamka, isagoo ugu hambalyeeyay xuska maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka ee 3da May, 2007.

Wasiirku wuxuu si gaar ah carrabka ugu dhuftay muhiimada ay leedahay maalintan, taasoo lagu ansixiyay shirweynihii ay ku qabatay Paris hay’adda Qaramada Midoobey, UNESCO sanadkii 1997. Wuxuu kaloo si gaar ah u xusay xilka iyo waajibaadka ka saaran Saxaafadda xorta ah ee Soomaaliyeed badbaadada, samatabixinta iyo horumarinta dalka iyo dadka.

“Xiligan adag waa in saxaafaddu ku dadaashaa sidii ay uga qeyb qaadan lahayd iso-soo dumidda shacabka Soomaaliyeed ee colaaduhu aafeeyeen, isla markaana ay midnimadooda iyo wadajirkooda ugu shaqeyn lahaayeen, una difaaci lahaayeen midnimada Qaran, iyagoo garab istaagaya xeerka iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka”ayuu yiri Wasiirka Waraafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Madoobe Nuunow Maxamed.

Wasiirka waxaa uu intaas ku daray in Dowladda Federaalka ay ku dadaaleyso sidii ay ugu gacan siin lahayd Saxaafadda Xorta iyo suxufiyiintaba gudashada xilkooda, wuxuuna carrabka ku dhejiyay in ay Dowladda Federaalka diyaar ula tahay Suxufiyiinta inay u fidiso gacan wixii la xiriira horumarintooda tayo ahaan iyo tiro ahaanba.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, iyadoo ay Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay soo saartay war-murtiyeed ay ku weyneyneyso maalinta Xoriyadda Saxaafadda Adduunka ayaa hadana waxaa dhinaca kale u xiray Dowladda Federaalka seddex Wariye oo ka tirsan Shaqaalaha TV-ga Universal, iyadoo ka sii horna ay Ciidamada Dowladda Federaalka iyo kuwa Itoobiyaanka ay tacadiyo u geysteen Wariyayaal ka howlgala Idaacado ku yaala Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).