Khamiis, May 03, 2007(HOL): Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay Xaruntooda KMG ah ee magaalada Baydhabo ayaa dood dheer oo ay ka yeesheen sharciga waxa loogu yeeray la dagaalanka argagixisada kadib waxay ugu dambeyntii Xildhibaanada Baarlamaanka si aqlabiyad ah isugu raaceen sharcigaas oo ay ku ogolaadeen.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa horay loogu qeybiyay nuqullo ka mid ah sharcigan, si ay u soo aqristaan, kadibna ay uga doodaan, waxayna natiijadii noqotay in ay xildhibaanada Baarlamaanka oo tiradoodu dhameyd 169 mudane ay ansixiyaan sharcigan 139 mudane, waa sida uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe).
Haddaba iyadoo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay ansixiyeen sharciga la dagaalanka argagixisada ayaa hadana waxaa jira Xildhibaano aan ku qanacsaneyn in xiligan Baarlamaanka la horgeeyo sharci ku saabsan la dagaalanka argagixisada, wuxuuna Xildhibaan Cabdi Cabdulle Siciid Jinni Boqor oo ka mid ah Xildhibaanada ka soo horjeeda sharcigan uu sheegay in sharcigan la doonayo in si gaar ah loogu bartilmaameedsado dad gaar ah oo cadaawad loo qabo.
Qodobada Sharcigan ku qoran ayaa waxaa ka mid ah kuwo xasaasi ah oo dhigaya in qofkii lagu helo falal argagixiso ah la dili karo, la xiri karo, isla markaana hantidiisa lala wareegi karo, waxayna taasi ugu muuqataa Xildhibaanada uu ka midka yahay Jinni Boqor mid dhibaato keeni doonta.
Hayeeshee Xildhibaanada la dhacsan soo gudbinta iyo ansixinta sharcigan ayaa waxay sheegayaan in loo baahan yahay in la helo sharci wax looga qabanayo wax ay ugu yeereeen argagixisada, waxayna Xildhibaanadani ku doodayaan in ay jiraan kooxo argagixiso ah, kuwaasi oo ay sheegeen in ay dhowr jeer isku dayeen in ay dilaan mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena ay qaraxyo ka geysteen deegaano badan oo ku yaala Koofurta Soomaaliya.
Dhanka kalena waxaa maanta lagu dhaariyay Xarunta Baarlamaanka Soomaaliya afar xildhibaan oo bedelay Xildhibaano uu Baarlamaanka Soomaaliyeed xilkii xildhibaannimo ka qaaday, iyadoo xildhibaanada la dhaariyay ay isla maantaba fariisteen kulankii lagu ansixinayay sharciga La-dagaalanka argagixisada.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






