14.1 C
London
Tuesday, November 4, 2025

Kulan dhexmari lahaa Dowladda Federaalka iyo Odayaasha Beelaha Hawiye oo dib u dhac uu ku yimid

- Advertisement -spot_imgspot_img

Khamiis, May 03, 2007(HOL): Kulankan oo lagu waday in ay labada dhinac maanta isugu yimaadaan ayaa la sheegayaa in uu dib u dhac ku yimid, iyadoo sababta dib u dhacaasina lagu macneeyay xubnaha dhinaca Beesha Hawiye uga qeybgelaya kulanka oo kala maqan.

C/llaahi Shiikh Xasan oo ka mid ah Odayaasha Beesha Hawiye ee sida weyn uga soo horjeeda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in uu kulankaas dib u dhacay, isagoo caddeeyay in la sugayo Odayaal ka soo jeeda Beesha Hawiye, kuwaasi oo muhiim loo arkay in ay kulanka ka qeybgalaan.

C/llaahi Shiikh Xasan waxaa uu sheegay in kulanka ay labada dhinac isugu imaanayaan looga hadlayo waxyaabihii keenay dagaalkii Muqdisho ka dhacay, isagoo carrabka ku dhuftay in ay labada dhinacba garteen in aan xoog wax lagu dhameyn karin, isla markaana loo baahan yahay in la wada hadlo oo laga shaqeeyo sidii dalka Soomaaliya looga dhigi lahaa mid xasiloon.

Kulanka ay labada dhinac ku ballansan yihiin ayaa waxaa ka horeeyay kulan kale oo ay isku soo horfariisteen Odayaal ka socday Beesha Hawiye iyo Madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, inkastoo kulankaasi uu dhacay xili ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo ay kaalinayaan Ciidamada Dowladda Itoobiya ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho.

Wada hadal iyo is-af-garad dhexmara Dowladda Federaalka iyo Odayaasha Beesha Hawiye ee ka soo horjeeda ayaa waxaa si weyn u daneynaya Beesha Caalamka, gaar ahaan Dowladda Mareykanka oo safiirkeeda Nairobi Micheal Rannebeger uu xiriir la sameeyay Guddoomiyaha Odayaasha Beesha Hawiye Xaaji Cabdi Iimaan Cumar, kaasi oo ay isla soo qaadeen sidii xal looga gaari lahaa dhibaatadii ka dhacday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Wada hadallada dhexmaraya Mas’uuliyiinta sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Odayaasha Beelaha Hawiye ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo khilaafkii u dhaxeeyay labada dhinac ee gacan ka hadalka isu bedelay uu sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac tiro badan oo soo gaaray Dadka Magaalada Muqdisho.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).