16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Hay’adaha Gagaarka ugu baaqday in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 29, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxay ugu baaqday Hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho, isla markaana ay howlahoodii gargaarka dib u bilaabaan.

Wasiirka Qorsheynta iyo Tira-koobka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali C/llaahi Cosoble oo maanta kulan kula qaatay magaalada Muqdisho Sarkaal UN-ka u xilsaaran dhinaca Gargaarka Bani’aadannimada ayaa wuxuu sheegay in Hay’adaha Samafalka looga baahan yahay in ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Muqdisho, isla markaana ay dib uga bilaabaan howlahoodii gargaarka Bani’aadannimada, bacdamaa sida uu yiri ay howlgalaan meelo ka ammaan xun Magaalada Muqdisho.

Dr. Cali C/llaahi Cosoble waxaa uu sheegay in uusan aqoonin sababta ay Hay’adaha Gargaarka Qaramada Midoobay uga meermeerayaan in ay ka howlgalaan Magaalada Muqdisho, sidaas darteedna wuxuuna u sheegay Saraakiishii ka socotay Xafiiska Gargaarka Bani’aadannimada Soomaaliya in looga fadhiyo Qaramada Midoobay in ay dhiirigeliso sidii ay gargaar ku heli lahaayeen dad badan ku dhibaateysan gudaha Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho iyo nawaaxigeeda.

Wasiirka waxaa uu sheegay in Dowladda Federaalka ay xil iska saari doonto ammaanka Hay’adaha Gagaarka ee ka howlgelaya Magaalada Muqdisho, wuxuuna caddeeyay in ay Dowladda Federaalka si weyn u daneyneyso in ay Hay’adaha gargaarka ay dib uga howl bilaabaan Magaalada Muqdisho oo ay ku sugan yihiin Dad badan oo u baahan in la kaalmeeyo.

Sidoo kalena, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo isna ka qeybgalay Kulanka dhexmaray Wasiirka Qorsheynta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo Saraakiisha ka socotay Xafiiska Qaramada Midoobay ugu xil saaran Gargaarka Bani’aadannimada ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Gobolka Banaadir oo beryahan howlo baaxad leh ka wada Magaalada Muqdisho uu kaalmo ka sugayo Hay’adaha UN-ka, isagoo caddeeyay in ay horay kaalmo aan badneyn uga heleen Guddiga Ganacsatada Gobolka Banaadir.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).