16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Meydka Nin ay toogteen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee Muqdisho jooga oo laga helay agagaarka Warshaddii Baastada

- Advertisement -spot_imgspot_img

Talaado, May 29, 2007(HOL): Meydka Nin dhalinyaro ah oo ay jirkiisa rasaas ku taalay ayaa saakay laga soo qaaday agagaarka Warshaddii Baastada ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo fariisin u ah Ciidamo Itoobiyaan ah.

Taliyaha Saldhigga Degmada Huriwaa G/lle Maxamed Cumar Maxamed oo meydka ninkaas soo qaaday ayaa sheegay in ay dadka deegaanka u sheegeen in ninkaas oo madaxa loo jiray ay toogteen Ciidamada Itoobiyaanka ee ku sugan Warshaddii Baastada kadib markii uu diiday in uu istaago.

Shalay subax ayay ahayd markii isla goobtaas laga soo qaaday meydka labo wiil oo dhalinyaro ah, kuwaasi oo iyana ay jirkooda rasaas ku taalay, waxaana la sheegay in ay raggaas toogteen Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Xaruntii Warshaddii Baastada.

Dilalka ay Ciidamada Itoobiyaanka geysanayaan ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo habeennadii aynu ka soo gudubnay Qaraxyo lala beegsanayay Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Warshaddii Baastada, waxayna dadka deegaankaas sheegeen in mar kasta oo Ciidamada Itoobiyaanka Qarax loo geysto ay iyana dadka rayidka ah toogtaan.

Taliyaha Saldhigga Huriwaa waxaa uu intaas ku daray in deegaano ka tirsan Degmada Huriwaa iyo kuwo u dhow loo geystay ilaa lix Qarax oo seddex ka mid ah loo geystay Saldhigga Degmada, halka seddexda kalena loo geystay Warshaddii Baastada, wuxuuna sheegay in ay qaraxyadaas keeneen in Degmada lagu soo rogo bandow bilaabanaya 6-da Maqribnimo,isla markaana soconaya 6-da Aroornimo.

Taliyaha waxaa uu sheegay in la sii deynayo 20 ruux oo ay xalay soo qabteen Ciidamada Booliska Degmada Huriwaa, kuwaasi oo uu sheegay in ay u hogaansami waayeen bandowga lagu soo rogay, wuxuuna dhanka kalena sheegay Taliyuhu in ay wax ka qaban doonaan kooxaha Qaraxyadaas ka dambeeya oo uu sheegay in ay ka yimaadaan deegaano aad uga fog Degmada Huriwaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).