Talaado, May 29, 2007(HOL): Kooxo Burcad Badeed ah ayaa sii daayay Markab ay ku heysteen Xeebaha Soomaaliya kadib markii la siiyay Lacag madax furasho ah oo dhan 100,000 oo Doollarka Mareykanka ah, sidaasna waxaa sheegtay Hay’ad Kenya u qaabilsan dhinaca Badaha.
Ilaa afar Markab oo kale ayaa la sheegay in ay Kooxo Burcad Badeed ah ku heystaan Xeebaha Soomaaliya, iyadoo Kooxaha Burcad Badeedka ah ee Maraakiibta iyo Doomaha Qafaashana ay sheegaan in ay Xeebaha Soomaaliya ka ilaaliyaan Kalluumeysatada sharci darrada ah.
Markabka ay sii daayeen Kooxda Burcad Badeedka ah oo lagu magacaabo Maryama Queen ayaa markii la qafaalanayay wuxuu ku sii jeeday Dekedda Muqdisho, halkaasi oo uu ku dejin lahaa Badeeco uu u siday ganacsato Soomaaliyeed, waxaana sii deynta Markabkan lagu bixiyay Lacag Dhan 100,000 oo Doollar, inkastoo ay markii hore Kooxda Burcad Badeedka ah sheegteen in la siiyo lacag dhan 150,000 oo Doollar, sidaasna waxaa Wakaalladda Wararka Reuters Taleefoonka ugu sheegay Andrew Mwangura oo Agaasime ka ah Hay’ad ka talo bixisa Socdaalka Badaha.
Kooxaha Burcad Badeedka ah ee ka dilaacay Xeebaha Soomaaliya ayaa waxay caqabad ku yihiin nolosha Dad badan ku nool gudaha Dalka Soomaaliya, kuwaasi oo heli lahaa gargaar dhinaca Badda loo soo marsiiyo iyo weliba Badeecooyin ay ganacsatada Soomaaliyeed dhinaca Badda kula imaan lahaayeen.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan waxay ka codsatay Beesha Caalamka in gacan lagu siiyo dagaal ay la geleyso Kooxaha Burcad Badeedka ah, waxaana codsigaas jeediyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Kenya Maxamed Cali Ameerika.
Si kastaba Arrintu ha ahaatee, Maxkamadihii Islaamka ee Mudada Lixda Bilood ah ka talinayay Deegaano dhowr ah oo ku yaala Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa intii ay talada hayeen waxay ku guuleysteen in ay hakiyaan weerarradii Burcad Badeedka, waxayna mar soo qabteen Qaar ka mid ah Kooxahaas Burcad Badeedka ah, kuwaasi oo lagu soo xiray Xabsiga Dhexe ee Magaalada Muqdisho.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






