16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Guddoomiyihii Maxkamada Degmada B/Weyne oo lagu dilay magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img
Isniin, 28, May, 2007 (HOL)  Gudoomiyihii Maxkamada B/weyn Shiikh Max’ed Muuse Ducaale ayaa goor dhaw sida wararku sheegayaan Nin ku hubeysan Bistoolad waxaa  ku dilay Isgooyska Howl-wadaag ee Magaalada Muqdisho.
 
Lama oga ilaa hada sababta keentay dilka Shiikh Max’ed Muuse Ducaale oo Meydkiisa la dhigay Saldhiga Howl-wadaag sida uu HOL u xaqiijiyay Gudoomiyaha Maxkamada Gobalka Hiiraan Shiikh Xuseen Bare Max’ed.
 
Shiikh Max’ed Muuse Ducaale ayaa ahaa Gudoomiyihii Maxkamada Degmada B/weyn waqtigii la soo dhisay Maamulkii uu hogaaminayay Gudoomiyihii hore ee Maamulka Gobalka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) waxaana uu ka mid ah Xubnihii u baxsaday Degmada Feer-feer kadib markii ay talada Maamulka Gobalka la wareegeen Mas’uuliyiinta Maxkamadii Islaamiga, isagoo markii dan bana ka mid ahaa Xubnihii hogaaminayay dagaalkii lala galay Maxkamadii Islaamiga Gobalka Hiiraan, wax yar ka dib markii la badalay Maamulkii Yuusuf Dabageed  ayaa mar kale waxaa ay Wasaarada Garsoorku u magacaawday  Alla ha u naxariistee Shiikh Max’ed Muuse Ducaale in uu noqdo Gudoomiyaha Maxkamada Degmada.
 
Ilaa iyo hada ma jiro wax war ah oo ay ka soo saareen dhinaca Maamulka Gobolka Hiiraan dilka loo geystay marxuum Shiikh Max’ed Muuse Ducaale.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).