16 C
London
Thursday, November 6, 2025

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Uganda oo cambaareysay Qaraxii Muqdisho loogu geystay Ciidamada Uganda

- Advertisement -spot_imgspot_img

Isniin, May 28, 2007(HOL): Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Kampala ee dalka Uganda ayaa si kulul u cambaareysay qaraxii dhawaan lala beegsaday Ciidamada Uganda ee ku sugan magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ku dhinteen afar Askari oo ka tirsan Ciidamada Uganda.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dalka Uganda Xasan A. Xuseen oo warsaxaafadeed ka soo saaray sida ay Soomaalida ku dhaqan Uganda u arkayaan Qaraxa loo geystay Ciidamada Uganda ayaa si kulul u cambaareeyay Kooxihii Qaraxaas ka dambeeyay, wuxuuna sheegay in uu qaraxaasi ahaa mid waxashnimo ah, wuxuuna carrabka ku dhuftay in weerarkaas uu ahaa mid la doonayo in lagu wiiqo howlgalka ay Ciidamada Uganda ka wadaan Magaalada Muqdisho iyo weliba dadaalka loogu jiro soo celinta xasiloonidii Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee ku sugan Magaalada Muqdisho oo aan iyagu ka qeyb-qaadan dagaalladii dhawaan ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay u gurmadeen Dadkii ka barakacay iyo kuwii ku dhaawacmay Dagaalladii Muqdisho, iyadoo Qaraxii loo geystayna ay si weyn uga xumaadeen Dad badan oo ku dhaqan Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo si weyn u soo dhaweeyay Doorka ay Ciidamada Uganda ka qaateen Miinooyin laga saaray Meelihii ay ka dhaceen Dagaalladii Muqdisho ka dhacay iyo sidoo kale daweyn ay u sameeyeen dad wax looga qaban waayay Isbitaallada Muqdisho.

16-kii Bishan aynu ku jirno ee May ayaa gaari ay saarnaayeen Ciidamada Uganda oo marayay meel aan u dheereyn Hotelkii Curuba ee Magaalada Muqdisho waxaa lagu qarxiyay Miino Wadada dhinaceeda la geliyay, waxaana halkaas ku dhintay afar Askari oo ka mid ah Ciidamada Uganda, halka uu dhaawac soo gaaray tiro Askar ah oo intaas ka badan, kuwaasi oo haatan dhaawacooda lagu daweynayo Dalka Uganda.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).