
Axad, May 27, 2007(HOL): Dowladda Itoobiya ayaa safaarad ka furatay Magaalada Muqdisho tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay bur burtay Dowladdii hore ee Soomaaliya, waxaana xafladdaas laga furay meel aan u dheereyn Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Xafladda lagu furayay Safaaradda Itoobiya waxaa ka qeybgalay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen,Madax ka socotay maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiil Ciidan oo ka socday Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Uganda.
Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geedi oo ka hadlay Xafladdii lagu furayay Safaaradda Itoobiya ayaa wuxuu sheegay in Dowladda Itoobiya ay dadka Soomaaliyeed u hurtay waxa ugu wanaagsan ee la isu huro oo uu ku tilmaamay dhiig ay u daadiyeen sidii ay Soomaaliya nabad u noqon lahayd, wuxuuna intaas ku daray in shacabka Soomaaliyeed aysan abaalkaasi iloobi doonin.
Ra’iisal Wasaare Geedi waxaa uu sheegay in ay dhamaadeen waa hore Colaadihii sida uu u yiri macmalka ahaa ee labada Dal ka dhex dhacay, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in loo baahan yahay in ay labada dal iska kaashadaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen cadawga kaliya ee ay leeyihiin oo ah faqriga iyo horumar la’aanta heysata.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Seyoum Mosfen oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in uu si aad ah ugu faraxsan yahay in uu dib u furo Safaaraddii Itoobiya ay ku lahayd Soomaaliya, wuxuuna ku dheeraaday ka hadalka Xiriirka ka dhaxeeya labada dal oo uu sheegay in aysan kaliya wadaagin xuduud, balse ay wadaagaan dhaqan dad iyo Diin, wuxuuna ku baaqay in xiriirkaas lagu faro adeygo oo aan la wiiqin.
Seyoum Mosfen waxaa uu intaas ku daray in Xiriirka labada dal uu weligiis ahaa mid wanaagsan, balse ay saameynayeen is-bedello ay la imaanayeen Dowlado labada dal soo maray, wuxuuna ku baaqay in haatan wixii ka dambeeya lagu dadaalo sidii looga gudbi lahaa taariikhihii xumaa ee labada dhinac soo maray, kuwaasi oo uu carrabka ku dhuftay in aysan dan ugu jirin shacabka labada Dal.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa uu sheegay in joogitaankiisa Magaalada Muqdisho ay muujineyso in ay Soomaaliya nabad tahay, wuxuuna carrabka ku dhuftay in ay arrintaas si weyn u farxad gelineyso, bacdamaa ay Soomaaliya muddo dheer ahayd mid dowlad la’aan ah.
Seyoum Mosfen, Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya waxaa uu eedeyn u jeediyay kooxo uu ku tilmaamay in ay magaca Diinta ku gambanayaan, isla markaana ay uga faa’iideysanayaan dano gaar ah oo ay leeyihiin, wuxuuna carrabka ku dhuftay in kooxahaasi mowqifkooda laga fahmay Soomaaliya, Itoobiya iyo guud ahaan Gobolka Geeska Afrika, “Diinta Islaamka waa mid Nabadeed oo aan dadka fareynin in wax la dhibaateeyo, mana ahan mid loo isticmaalo dano gaar ah”ayuu yiri Seyoum Mosfen.
Si kastaba arrintu ha ahaatee, Dowladda Itoobiya oo Ciidamo aad u tiro badan ay ka joogaan Dalka Soomaaliya ayaa waxay noqotay Dowladdii ugu horeysay oo Afrikaan ah oo dalka Soomaaliya Safaarad ka furata tan iyo wixii ka dambeeyay markii ay burburtay Dowladdii hore ee Soomaaliya.



Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia






