15.1 C
London
Thursday, November 6, 2025

Maamulka Gobolka Hiiraan oo ku kala qeybsan farriin uga timid Ciidamada Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 27, 2007(HOL): Maamulka Heer Gobol iyo Degamo ee gobolka Hiiraan ayaa warar soo baxaya waxay sheegayaan in aysan isku si u arag farriin uga timid dhinaca Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan duleedka magaalada B/weyn, taasoo ku saabsan sugida nabad-galyada guud ee Gobolka Hiiraan.

Sida laga soo xiganayo Ilo ku dhow-dhow labada dhinac ayaa waxaa ay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay ku war-galyeen dhinaca maamulka heer Gobol iyo Degmo in iyaga loo madax-baneeyo sugidda nabad-galyada guud ee gobalka oo sida Ciidamadu sheegeen maamulku wax badan ka qaban, taasoo keentay in siyaabo kala duwan loo arko gaar ahaan dhinaca maamulka.

Qaar ka mid mas’uuliyiinta maamulka Heer Gobol ayaa iyagu qaba in ay haboon tahay in Ciidamada itoobiyaanku ka qeyb-qaataan howlaha sugida nabad-galyada Gobalka si markaa wax badan looga qabto arimaha nabad-galyada, halka kuwa maamulka Degmaduna qabaan in Ciidamada Dowlada Federaalku yihiin kuwo ku filan sugida nabad-galyada hadii ay helaan gacan taageero,

Ismaan-diidka soo kala dhax galay labada dhinac ayaa sidoo kale keentay in qaar ka mid ah mas’uuliyiita maamulka Gobalku u anba baxaan qaar ka mid ah degmooyinka iyo deegaanada ku dhow dhaw magaalada B/weyn si markaa meesha looga saaro arimaha keenaya nabad-galya xumada, laakiin hadana lama oran karo arintaas waa mid soo af-jareysa dalabka ka yimid dhinaca Ciidamada Itoobiya ee ah in wax badan laga qabto arimaha nabad-galayad.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii dhawaan Miino laga soo saaray goob aan sidaa uga fogeyn halka ay dagan yihiin ciidamada Itoobiya waxaa isa soo tarayay wal walka Ciidamadu ka qabaan dhinaca nabad-galyada oo sida ay sheegeen u baahan in wax badan laga qabto.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).