15.1 C
London
Thursday, November 6, 2025

Odayaal iyo Culumaa’udiin ka socda Beelaha Soomaaliyeed oo Itoobiya ka ballanqaaday in ay ka qeyb-qaadanayaan Nabadeynta Soomaaliya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Axad, May 27, 2007(HOL):Odayaal iyo Culumaa’udiin ka socday Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Mr. Seyoum Mosfen oo ay Muqdisho kula kulmeen waxay ka ballanqaadeen in ay ka qeyb-qaadanayaan nabadeynta Soomaaliya.

Sida ay sii deysay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA Odayaasha iyo Culumaa’udiinka la kulmay Mr. Seyoum Mosfen ayaa sidoo kale waxay ballanqaadeen in ay la shaqeyn doonaan Dowladda Federaalka Soomaaliya, hayeeshee waxay ka codsadeen Dowladda Itoobiya in gacan lagu siiyo sidii hubka looga dhigi lahaa Maleeshiyooyin hubeysan oo dhibaato ka waday Soomaaliya 16-kii sano ee aynu ka soo gudubnay.

Sidoo kalena waxay Odayaasha iyo Culumaa’udiinka la kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ay caddeeyeen in ay door muhiim ah ka ciyaari doonaan Shirka dib u heshiisiinta ah ee dhawaan lagu qaban doono Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeybgelayaan ergooyin ka socda Beelaha Soomaaliyeed.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Seyoum Mosfen oo isna kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Dowladdiisa ay taageero ku bixin doonto sidii loo nabadeyn lahaa Soomaaliya, inkastoo uu xusay in ay dadka Soomaaliyeed iyagu nabadda la imaan karaan, “Waxaad ogaataaan in Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo Beesha Caalamka aysan Soomaaliya Dowlad u sameyn karin in aad idinku nidaam sameysataan mooyee”ayuu yiri Seyoum Mosfen.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho wuxuu tegay Jimcihii aynu ka soo gudubnay, wuxuuna kulamo la qaatay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi. Sida ay tebisay Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA, ma jirin wax dhawaq rasaaseed ah oo uu Wasiirka maqlay intii uu Muqdisho ku sugnaa.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Waxaa maalmahan ka dhacayay Magaalada Muqdisho qaraxyo lala beegsanayay mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo Ciidamada Dowladaha Soomaaliya, Itoobiya iyo Uganda, waxayna qaraxyadaas bilowdeen markii ay soo af-jarmeen dagaalladii Muqdisho ka dhacay bilihii April iyo Maarso ee aynu ka soo gudubnay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).