Sabti, May 26, 2007(HOL): Waa markii ugu horesay oo socdaal loogu magaca daray( Safarkii Nabada ) lagu soo maro dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Gobalka Hiiraan, waxaa marka aad dhan ka eego Socdaalkani yahay mid la mid ah Kii kol hore Abaawka Caanka ah ee Max’ed Ibtaahim Hadraawi ku kala bixiyay inta badan Gobalada dalka Soomaaliya.
Safarkan Nabada oo ay hor kacayaan Duubabka dhaqanka Beelaha Daga Gobalka Hiiraan ayaa la sheegay in Ujeetada ka danbeeysa tahay oo kaliya sidii Bulshada ku dhaqan gobalka looga Raa-ridi lahaa qiimaha nabadu leeday oo ah Qodob hadii la fahmo horseedi kara in Bulshadu ku wada noolaato daganaasho iyo Isfaham aqirkii horseeda hor buuxa oo la gaaro.
Sidoo kale waxaa iyaguna Xusid mudan Suugaan leyda safarkani ka qeyb-qaadaneysa oo uu ka mid yahay Abwaanka Caanka ah ee C/dhuux Yuusuf Guure Islamarkaana siweyn loogu xasuusto Ruwaaydii Lamagac baxaday (Darajo iyo Xil yaa mudan) ee lagu soo ban dhigay dalka Jabuuti waqtigii uu socday shirkii Carta, waxaana Xubnaha safarkani ku jira lugtoodii ugu horeysay ay hada ku joogaan degmada Jalalaqsi iyaga oo halkaa kula hadlaya bulshada ku dhaqan si loo gaarsiiyo Fariinta Nabada.
Sida uu sheegay Madax Xarunta Cilimi Baarista iyo Wada tashiga CRD Eng, Max’ed Xasan Kulmiye waxaa ay muhiimadu tahay in dadku fahmaan qiimaha nabadu ku fadhido oo la aanteena aysan jirin cid iska noolaan karta, isaga oo intaa raaciyay in marka dhab ahaan loo eego Dabliiqan Nabadeed ee bilaawday xitaa hadii lagu guuleysto ay faa’iido u noqon karto dhamaan Gobalada dariska la ah Gobalka Hiiraan maadaama nolasha Aadanahu tahay mid isa saameysa.
Marka Laga soo tago Degamada Jalalaqsi oo ay hada safar ku joogaan Xubnaha ay hor kacayaan Duubabka dhaqanka waxaa sidoo kale qorsheysan in ay soo maraan Degmooyinka Buula-burte, Matabaan iyo dhamaan Tuulooyinka hoostaga si markaa qeybaha bulshad oo dhan loo gaarsiiyo fariinta Qiimaha badan ku fadhida ee Nabada.
Abawaan C/dhuux Yuusuf oo ka hadlayay sida Soomaalidu u kala tagtay sanadihii colaada iyo waliba sidii ay Soomaalidu ahaan jirtay Bari-samaadkii ayaa sheegay in baaritaan uu sameeyay uu ku soo ogaaday in dhamatada ugu weyn ee heysta Bulshada Soomaalyeed la oran karo waa Qabiilka oo noqday mid laga shidaal qaato. Isaga oo yiri Soomaalidu wey Bugtaa, Basteed weeyo la hubo, In uu Cudur Ba’ani helay, Bidhaantaa laga gartaa, Ma beerkaa laga hayaan, Ma dhabarkiyo Boodyahaa bur buryoo aan bad qabin, Bad weytiyo buurihiyo banaan maysigu mid baa, dareenkii miyaa Bartagay, Lakiin markii uu intaa marinayo isaga oo hadana isaga jawaabaya halka cudurku ka jira ayuu yiri Markii loo baaray Hoos, Xanuunkuba waa Bulshada qabiilku ku beeran yahay, Inuu baday ba iyo hoog, Balaayada sabab u yahay Buugeedaba kuma dhignee, haday buun buuniyaan, Ilmaha ku bar baariyaan, Abtirskaa loo baraa Bilaahi Sidii Quraan, Biseyl baa wali u haray.
Rutii Tixdaa waa mid ka turjumeysa in Qabiilku yahay kan kaliya ee horeya colaadaha nabada meesha ka saara, waxaana abwaanku inta uu ku jiro farakani uu ku soo ban dhigi doonaa Sugaan dhamaanteed ku qotonta in meel layska dhigo wax kasta oo u mada kala fogeyn kara dhibatana ku ah in la gaaro bisyel nabadeed, ugu danbeytii safarka loogu magacdaray Socdaalkii Nabada ayaa ah mid looga ooman yahay dhamaan dalka maadaama soomaalidu in mudo ah colaaduhu kala Irdheeyeen.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyn, Somalia






