15.3 C
London
Thursday, November 6, 2025

Dowladda Federaalka oo Maamul u magacawday Gobolka Shabeelaha Hoose

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 26, 2007(HOL): Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa magacawday maamul uu yeelanayo Gobolka Shabeelaha Hoose, kaasi oo in muddo ah laga sugayay Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Wareegto uu soo saaray Ra’iisal Wasaare Cali Maxamed Geedi oo lagu magacaabay Xubnaha Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa ka aqriyay Xaflad ka dhacday Hotelka Lafweyn Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Maxamuud Sayid Aadan, wuxuuna maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose uu Ra’iisal Wasaare Geedi u magacaabay sidan:

 

Dr. C/qaadir Sheekh Maxamed Nuur,              Guddoomiyaha Gobolka

C/llaahi Muuse Abuukar                               Ku xigeenka dhinaca Siyaasadda

Maxamed Ibraahim Xuseen                           Ku xigeenka Labaad

C/llaahi Cabdi Cumar                                   Ku xigeenka Arrimaha Bulshada

Shiikh Sayid Shiikh Abbe                              Xoghayaha Gobolka

G/sare Aadan Xasan Cali                             Taliyaha Booliska Gobolka

G/lle Xasan Ibraahim Aadan                         Taliyaha Nabad-sugidda Gobolka

G/le Maxamed Cali Maalin                            Taliyaha Ciidanka Asluubta

Dhamme Cabdi Nuur Shiikh Maxamed             Taliye ku xigeenka Asluubta

 

Guddoomiyaha Gobolka Shabeelaha Hoose Dr. C/qaadir Shiikh Maxamed Nuur oo ka hadlay xafladdii lagu magacaabay ayaa wuxuu sheegay in uu wax weyn ka qaban doono Arrimaha Ammaanka iyo Bulshada Gobolka, isagoo caddeeyay in uu si weyn ugu faraxsan yahay xilka loo magcaabay oo uu sheegay in uu uga soo bixi doono sida loogu magacaabay.

 

Maamulka loo sameeyay Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo Gobolka ay ka soo cusboonaadeen falal  nabadgelyo darro oo aad u daran, iyadoo wadada isku xirta Magaalooyinka Gobolkaas iyo Magaalada Muqdisho dad lagu dilay laguna dhacay.

 

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa in muddo ah waxaa ka talinayay maamul uu guddoomiye ka ahaa Shiikh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde), kaasi oo inta  badan Degmooyinka Gobolka ka dhigay mid amni ah, walow ay dadka Gobolka ka cabanayeen lacag xad-dhaaf ah oo canshuur ahaan uu maamulkaas uga qaadi jiray.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).