15.3 C
London
Thursday, November 6, 2025

Seddex Qarax oo Xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

- Advertisement -spot_imgspot_img

Sabti, May 26, 2007(HOL): Xaafado ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay Qaraxyo lala beegsaday goobo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Seddex Qarax oo xalay kaliya ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu midkii ugu horeeyay ka dhacay Agagaarka Warshaddii Caanaha, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana halkaasi ka dhacay dhimasho iyo dhaawac, iyadoo kadibna ay Ciidamada Dowladda dad badan u xireen Qaraxaas.

 

Qaraxii labaad ayaa wuxuu ka dhacay Guri ku yaala Xaafadda Suuqa Xoolaha ee Magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in uu deganaa Sarkaal ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka. Qaraxa gurigaas lala beegsaday ayaa la sheegay in uu ahaa Bambo Gacmeed, sida ay Dad Goob-joogayaal ah sheegeen.

 

Qaraxii Seddexaadna waxaa uu ka dhacay  Xaafad ka mid ah Degmada Xamar Ja-jab, gaar ahaan meel aan u dheereyn Dekedda Muqdisho, waxaana halkaasi ku dhaawacmay Dhowr Qofood oo rayid ah sida uu xaqiijiyay Guddoomiyaha Degmada Xamar Ja-jab ninka lagu magacaabo Axmed Qoor-leex.

 

Qaraxyadan xalay ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo shalay sugidda Ammaanka ay la wareegeen Ciidamo Boolis ah, halka Ciidamadii kale ee horay Magaalada u joogi jirayna la geeyay xerooyin Magaalada Muqdisho duleedkeeda ah.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Qaraxyadan ka dhaca magaalada Muqdisho ayaa waxay bilowdeen kadib markii ay Ciidamada Dowladda Federaalka oo garabsanayay Ciidamo Itoobiyaan ah ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho, kadib dagaal qaraar oo muddo Bil ah ka socday.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

sxiis@hiiraan.com

Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).