15.3 C
London
Thursday, November 6, 2025

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ugu baaqay Dowladda Eritrea in ay joojiso Argagixisada ay ku baahineyso Soomaaliya iyo Itoobiya

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 25, 2007(HOL):  Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Shiikh Aadan Madoobe)  ayaa magaalada Addis Ababa ee Dalka Itoobiya ka sheegay in ay Dowladda Eritrea Argagixiso ku baahineyso Dalalka Itoobiya iyo Soomaaliya, wuxuuna ugu baaqay in ay joojiso dhaqdhaqaaqyadaas ay waddo.

Shiikh Aadan Madoobe ayaa hadalkan sheegay kadib markii uu kulan la qaatay Madaxweynaha Itoobiya Mr. Girma Wolde-Giorgis, kaasi oo isla soo qaadeen Xiriirka labada dal oo ay labada dhinac ku tilmaameen mid xooggan.

Shiikh Aadan Madoobe oo kulankaas kadib Saxaafadda la hadlay waxaa uu sheegay in aysan dadka Soomaaliyeed weligood iloobi doonin abaalka ay Dowladda iyo Shacabka Itoobiya u galeen oo uu ku sheegay in ay soo celiyeen Nabaddii iyo Xasiloonidii Soomaaliya.

Madaxweynaha Itoobiya Mr. Girma Wolde-Giorgis oo isna la dardaarmayay Wafdigii ka socday Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in Baarlamaanka Soomaaliyeed laga doonayo in uu wax badan qabto, isla markaana uu xaqiijiyo Nabadda iyo deganaanta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo Wafdigiisa waxay horay ula kulmeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Itoobiya Syoum Mosfen, kaasi oo ay isla soo qaadeen xiriirka labada Dal iyo weliba Arrimaha haatan ka dhaxeeya labada Dowladood ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Syoum Mosfen wuxuu u xaqiijiyay Shiikh Aadan Madoobe iyo Wafdigiisa in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay in ay caawiso Dowladda Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kalena sheegay in uu aaminsan yahay in uu guuleysan doono Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ee bartamaha bisha soo socota lagu qaban doono magaalada Muqdisho, kaasi oo ay ka qeybgeli doonaan ergooyin ka socda Qabaa’illada Soomaaliyeed.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).