15.3 C
London
Thursday, November 6, 2025

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo xalay dhac ka geystay Xaafado ka tirsan Degmada Shibis

- Advertisement -spot_imgspot_img

Jimco, May 25, 2007(HOL): Ciidamo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay ahaa waxay falal dhac ah ka geysteen xaafado ka tirsan Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Ciidamadan oo ahaa kuwo ku labisan Dharka Cagaaran ee ay qaar ka mid ah Ciidamada Dowladda Federaalka ku labistaan ayaa waxay dhowr qofood ka qaateen Taleefoonnada gacan qaadka ah (Mobiles) iyo weliba lacag caddaan ah oo ay wateen.

Kormeere Seddexaad Maxamed Maxamuud Maxamed oo hoggaaminayay Ciidamo howlgal nabad sugid ah ka sameeyay Degmada Shibis kadib markii uu falkaas dhacay ayaa waxaa uu xaqiijiyay in ay Ciidamada dhaca geystay  ahaayeen kuwo ka tirsan Ciidamada Dowladda Federaalka, hayeeshee waxaa uu xusay in labada geli doono, isla markaana tallaabo laga qaadi doono.

Sidoo kalena Dad ku dhaqan Degmada Shibis ayaa iyaguna xaqiijiyay in ay Ciidamada dhaca geystay ay ka tirsanaayeen Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Ciidamada Dowladda Federaalka dhac ka geystaan gudaha Magaalada Muqdisho, waxayna horay dhac uga geysteen Xaafado kale oo ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Dhaca ay Ciidamadan geysteen ayaa wuxuu ku soo beegmay iyadoo maalintii shalay ahayd uu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) uu sheegay in ay sugidda Ammaanka Magaalada Muqdisho la wareegi doonaan Ciidamada Booliska, isla markaana Ciidamada kale ee Dowladda magaalada dibadda looga saari doono.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah Maleeshiyooyinkii dhibaatooyinka ka geysan jiray magaalada Muqdisho xiligii Dowladda la’aanta, kuwaasi oo dharka Ciidamada la siiyay iyagoo aanan si fiican loo carbin, taasi ayaana la rumeysan yahay in ay keentay in ay sii wataan dhaqankoodi xumaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
sxiis@hiiraan.com
Mogadishu, Somalia

- Advertisement -spot_imgspot_img
Latest news

test test test

- Advertisement -spot_img
Related news
- Advertisement -spot_img

Site caching is active (File-based).